Sucuudiga oo dad Soomaali ah u soo Tarxiilay dalka Yemen

Cadan(Aftahannews):- Dalka Boqortooyada Sucuudiga, ayaa dad Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira u soo mustaafuriyay dalka Yemen, kuwaasoo laga dejiyey magaalada Cadan ee waddankaas, ka dib markii Sucuudiga laga soo raafay.

Dadka Sucuudigu Yamen u soo mustaafuriyay,ayaa la sheegay inay markii hore tahriib ku galeen waddanka Sucuudiga iyagoo u sii maray dalka Yemen.

Dadkan oo lagu soo tarxiilay magaalada Cadan,ayaa la sheegay in xaaladoodu ay adagtahay isla markaana aanay haysan waxay ku noolaadaan.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland