Qisadii I Eriday Qaawanaanta!

Qalinka: Cabdifataax I. Mursal: Maan noolayn, manaan dhiman, Aakhiro maan gaadhin ee Ifka ayaan joogay, hase ahaatee, lamaan socon dhacdooyinkii daqiiqadahaas dunida ka dhacayay ama ka socday, balse waxaan ku war helay Daahyada, Muraayadaha daaqadaha iyo qaybo ciid iyo sabbad isugu jira oo ka mid ah dhismaha qol koone ku yaallay oo aan guri labaatan Makhsin ka kooban ka degganaa oo dushayda ku soo daatay. Dhagahaygu waxay maqlayeen gig iyo gariir xoog badan, waxaan Indhaha ku kala qaaday boodh iyo siigo isku xidhay gudaha qolka.

mmmmmmmmmmmmm

Waxaanan isla markaaba isku qanciyay in Guriga aan degganaa oo sabbad ahaa igu dumay, laakiin ma dumin ee Aniga ayaa been isu sheegay!. Waxaan orod kaga baxay Albaabkii qolka xalay aan qufulay oo ballaqan!. “Nafi orod bay kugu aamintaa.” Xaaladdaydu markan waxay u muuqatay mid la mid ah tii loogu maahmaahay nooc ka mid ah Waraabaha oo hurdo badan. “Dhidar Onkod kiciyey”.

Waxaan is arkay Aniga oo taagan meel bannaan oo ah dibadda gurigii aan ku jiray (Daaradda) oo ay labada Cagood Macawisi igaga maran tahay. Waxaan isha ku dhuftay Hooyo Wiil yar oo ay xambaarsanayd la kuftay oo ka qaylinaysa Jaranjarrada Iriddii aan orodka ku soo dhaafay, waxaan sidoo kale arkay Go’ iyo Buste aan huwanaa oo yaalla meel u dhaxaysa halka aan taaganahay iyo goobta Hooyada Wiilka la dhacday jiifto. Muddada dhacdooyinkaasi dhacayaan waa wakhti ka yar laba daqiiqo godohood!.

Maaliniba maalin ka xusuus mudan, sannadba sannad ka tilmaaman, Dhacdooyinkuna kala saamayn badan, qalinkuna ma moogaado faaqidaadda Ayaamaha ay tahay ama mudan in la xuso. Sidaa daraadeed, xusuusta maalintani waa mid saamayn ballaadhan iyo xusuus lama illaawaan ah oo taariikhda gashay ku leh guud ahaanba dadka reer Somaliland, gaar ahaan dadka Hargeysa ku dhaqanaa. Waxaan dareemayaa inay in badan oo Akhristayaasha ka mid ahi iswaydiinayaan maalintaasi waatee?

Waxay ahayd maanta oo kale 29-kii October sannadkii 2008, maalin Arbaca ah, waa maalintii saddex meelood oo ka mid ah Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ah lala beegsaday weerarro ismiidaamin ah oo lagu qarxiyay Xarunta Madaxtooyada, Xafiiskii xidhiidhka Ganacsi ee Itoobiya iyo Xafiiska Hayadda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta Mashaariicda ee UNDP, kuwaasoo dhammaantood ku yaallay Xaafadda Shacabka ee Magaaladda Hargeysa. Isla markaana weeraradaas Argagixisada ahaa ee goobaha kala duwan lala eegtay waxay sababeen dhimashada 24 ruux iyo dhaawaca in 30 qof ka badan oo aan waxba galabsan.

Haddaba, maalintaas 29-kii October 2008, oo xusuus murugo ku xeeran tahay ku leh Qaranka Somaliland, isla markaana sannad-guuradii saddexaad ee ka soo wareegtay Sabtidii shalay ku buuxday ama ku beegnayd awgeed, ayaa igu kalliftay bal intii aan ka awoodo xusuusta maalintaa qalinka ku iftiimiyey. Inkasta oo murugada iyo xusuusta madaw ee maalintaasi lahayd aan kala simanahay guud ahaanba bulshada reer Somaliland, haddana waxa Aniga ii dheer xusuus aan u arko inay taa aan Qaranka la qabo ka duwan tahay, oo si gaar ah ii taabanaysa dareen ahaan, markasta oo ay Maskaxdayda ku soo dhacdana aan si toos ah uga daawado Muraayadda Qalbiga oo aanay marnaba si dhib yar uga masaxmi Karin.

Qaraxyadaas saddexanka ahaa oo Argagixisadu ku fulisay Baabuur walxo qarxa laga buuxiyay, oo saddex daqiiqo guduhood lagu qarxiyay, hase ahaatee, kala horreeyey waxay ahaayeen isku ujeeddo. Inkasta oo aan ka mid ahaa Fiilka Saxaafadda Madaxa-bannaan ee Somaliland, gaar ahaanna aan ka hawlgali jiray Wargeyska weyn ee Ogaal oo ka mid ah Wargeysyada Hargeysa ka soo baxa, haddana maalmahaas waan xanuunsanayey oo waxaan shaqada kaga maqnaa fasax maalintii sagaalaad galay.

La soco qayb kale oo muwduucan ka mid ah.

Qalinkii Cabdifataax Ismaaciil Mursal

mrmursal@gmail.com