Bangiga Dhexe ee dawlada Soomaaliya oo la Xayiray iyo waxa sababay

Muqdisho(Aftahannews):- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa xannibay in Baanka dhexe ee Soomaaliya wax lagac ah laga saaro illaa inta uu Baarlamaanku meel-marinayo ku dhaqanka Miisaaniyad-sannadeedka 2014-ka.

baniga dhex

Kulan  ay maanta mudanayaasha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku yeesheen xaruntooda golaha shacabka islamarkaana uu shir guddoominayay Gudoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa furitaankii baarlamaanka waxa ay mudanayaash baarlamaanku soo jeediyeen in baarlamaanka la horkeeno miisaaniyad sanadeedka Xukuumadda, si ay u meel mariyaan.

Soo jeedinta xildhibaanada kadib ayuu guddoonka baarlamaanka Soomaaliya isaga oo ka jawaabaya soo jeedinta Xildhibaanada waxa uu  u yeedhay  sii hayaha Wasiirka Maaliyada iyo Qorsheynta Maxamuud Xasan Suleymaan.

Isla yeedhmada Guddoomiyaha Baarlamaanka ka dibba waxaa xarunta Baarlamaanka soo gaadhay sii hayahay wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta  Maxamuud  Xasan Sulaymaan waxaanu xildhibaannada u qaybiyay nuqulka miisaaniyadda Soomaaliya ee sadexda bilood ee sanadka cusub  .

 

Waxaanu wasiirka maaliyaddu ka cudur daarta inay miisaaniyadda la habsaameen isla markaana ay hawl shaqo intaba ku jireen

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in gudiga maaliyada ee baarlamaanka looga fadhiyo in ay soo turxaan bixiyaan miisaaniyada sadaxda bilood ee ay maanta Wasaaaradda Maaliyadda u qeybisay Xildhibaanada.

Waxaanu intaa ku daray inaan wax lacag ah laga saari Karin Baanka dhexe ee Soomaaliya illaa inta laga ansixinayo miisaaniyadda saddex biloodka ah

“Wax lacag ah lagama bixin karo Bankiga dhexe ee dalka ilaa iyo inta ay mudanayaasha meel marinayaan miisaaniyadda KMG ah ee sadaxda ah, xildhibaanada looga fadhiyo in ay ilgaar ah ku eegeen miisaaniyada loo qeybiyay.” ayuu guddoomiye Jawaari  yidhi.

Taliyaha Masuulka ka ahaa Xabsiga dhexe ee magaalada Laascaanood, ayaa la sheegay inuu maalmihii toddobaadkan ugu dambayn illaa Sabtidii uu u goostay dhinaca Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Garoowe ee xarunta Maamulkaas, inkasta oo uu Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Sarreeye Guuto Xiirane ku dooday inay baadhayaan sida arrintaasi u dhacday iyo halka uu ninkaasu ku dambeeyey-ba.

 

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland