Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland oo ka warramay Taliyihii Xabsiga Laascaanood iyo Tirada Maxaabiis Goostay

Hargeysa(Aftahannews):- Taliyaha Ciianka Asluubta Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), ayaa Aftahannews u xaqiijiyey inuu goostay oo uu  baxsaday Taliyihii Xabsiga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool Cali Nuur Aadan, isla markaana ay jiraan Maxaabiis baxsaday.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Gaas Maxamed Xuseen(Xiirane) oo waraysi kooban oo gaar ah khadka Taleefanka caawa ku siiyay Shabakadda Aftahannews.com, waxa uu sheegay inay xidheen Taliye Ku-xigeenkii Xabsiga magaalada Laascaanood, ka dib markii la ogaaday inuu goostay Taliyihii Xabsigaasi.

Waxa uu Taliye Xiirane intaa ku daray in hal qof oo Maxbuus ah oo u xidhnaa kiis madani ah oo dayn sida uu Taliyuhu sheegay uu isna ka baxsaday Xabsigaas. “Ninka baxsaday ee maxbuuska ah ee baxsaday  wuxuu u xidhnaa kiis madaniya oo dayn  lagu lahaa ayuu u xidhnaa, cid kale oo baxstayna ma jirto.” sidaa ayuu Aftahannews u sheegay Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Sarreeye Gaas Maxamed Xuseen Faarax (Ciirane) oo ku sugan magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, kana jawaabayey su’aal laga weydiiyey tirada Maxaabiis la sheegay inay Xabsigaas ka baxsadeen.

Taliye Xiirane oo ka hadlaya tallaabada ay qaadeen Ciidan Asluub ahaan iyo sida ay uga hawl-galeen ka dib Taliyahooda ka goostay, waxa uu yidhi; “Taliye Ku-xigeenkii waannu soo xidhnay Guddi hoggaanno ahina hawshaa way u bexeen. Markaa, baadhis baa scota oo waxa baadhista ka soo baxa ayaannu ku go’aan-qaadanaynaa, waxaana la wadaa baadhis lagu ogaanayo sababta keentay in Taliyuhu  goost0.”

Mar uu Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland ka jawaabayey Su’aal Aftahannews ka weydiisay Maxaabiista Xabsiga Laascaanood waqtigan ku xidhan iyo sida ay u ilaaliyaan, maaddaama oo qaarkood iyo Taliyahoodiba baxsadeen, waxa uu yidhi; “Waxaa innagu dhib ahaan lahayd iyagoo baxsada Maxaabiista kiisaska waaweyn u xidhan ee kala duwan. Laakiin, ninka baxsaday dayn ee Maxbuuska ahaa Dayn ayuu u xidhnaa, maxaabiista kiisaska qaar u xidhanna marka xukun koodu dhaco waxaannu u soo qaadnaa Xabsiga Madheera, Xabsiga Laascaanoodna waa mid caalami ah oo u dhisan qaabka ugu sarreeya ee Xabsiyada lagama baxsan karo.”

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland