Dab Qasaare Geystay oo Gubay Xero Qaxooti

Ifo(Aftahannews):- Xerada Qaxootiga ee Ifo  eek u taalla gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya,ayaa la sheegay inuu ka kacay dab aad u xoog badan .

Dabka ayaa la sheegay inuu ka  kacay suuq ganacsi oo ku yaalla xaafada  loo yaqaanno Kosovo  oo a mid ah xerada Qaxootiga ee IFO isla markaana uu k fiday goobo kale oo ka mid ah isla  xaafadaas.

Wararka laga helayo ciidanka Booliska ee dalka keenya  gaar ahaan gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya,ayaa waxay sheegayaan inaanu dabkaasi geysan qasaare nafeed laakiin uu baabiiiyay goobo ganacsi oo badan isla markaana ay jiraan qasaare uu soo gaadhsiiyay gryo badan oo dabkaa ku shuf belay.

“Xalay gellinkii dambe ayuu dabku kacay, wuxuuna geystay khasaare hanti oo aad u fara badan. Suuqan waxaa kusii kor-dhayay mid ganacsigiisa oo ay dad badan hantidooda gelinayeen.”

 ayuu yidhiCabdiraxmaan Ciilmooge Axmed oo ka mid ah dadka ku nool xerada IFO oo la hadlayay VOA-da.waxaanu itaa ku daray oo uu aaciyay.

“Dhawaanahan waxaa sii kordhayay ganacsiga suuqa, isagoo qaybo badan ka koobnaa, waxaana ka mid ah qaybta raashinka, qaybta shidaalka, tan daawada iyo qaybo kale oo fara badan,”

 

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliand