Ka bogo Mucda Heesta ‘Xilkas’ Codka Cabdiraxmaan-Oday iyo Erayada Wacan Muuse

Hargeysa(AFNS)- Waxaannu Daawadayaal, Dhegaystayaal iyo Akhristayaal qaybta Suugaanta iyo Dhaqanka Bayjkan Aftahannews u gaar yeelay idiinku soo gudbinaynaa Hees macaan oo uu soo saaray Fannaanka Cabdiraxmaan Caydiid Cabdi (Cabdiraxmaan-Oday), taasoo ah Hees cusub oo ay Erayadeeda curisay Abwaan Wacan Muuse Xasan.

FANNAANKA CABDIRAXMAAN CAYDIID ODAY

Heestan oo koobsatay Ammaan iyo Duco, isla markaana laga curiyey qiso ama taariikh dhab ama xaqiiqo ah, waxaan jecelnahay inaannu Sheekada Qisada ay ka dhalatay dib idiinku dhigno. Hase-yeeshee, waxaannu immika idiin soo gudbinaynaa Muuqaal-dhegaysiga Heestan oo Hal-ku-dheggeeda ama Summaddeedu tahay ‘Xilkas’.

Waxa Heestan Laxanka saaray Fannaanka, Mullaxanka, Muusiishanka gacanta macaan ee Cabdinaasir Macallin Caydiid, waxaa Muusiga ku ladhay Ilyaas Iddiris Caynaan, Codkuna waa Fannaanka Cabdiraxmaan-Oday, waxaad kaga bogan kartaan oo aad ka dhegaysan kartaan ama kala degi kartaan Muuqaalkan hoose ee naga guddooma:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.