Daawo Cabdi Good oo Daawaha Saaray, Qaawiyeyna Hees Cusub oo uu qaado Fannaanka Ismaaciil-Danan

London(Aftahannews):- Falanqeeyaha Suugaanta ama Fanka Soomaalida, gaar ahaan Heesaha dambe oo uu barbar-dhigo Heesihii hore Cabdi Good Abees, ayaa Barnaamijkiisa Isir-raaca Afka Soomaaliga oo uu ka baahiyo Telefeshinka Kalsan, ayaa Daawaha saaray, isla markaana qaawiyey Hees cusub oo uu qaado Fannaanka Codka Macaan ee Ismaaciil-Danan.

Heestan uu Cabdi Good Daawaha saaray ama qaawiyey, ayaa Hal-ku-dheggeedu yahay ‘WACAN’, waxaanay ka mid ahayd Heesaha cusub ee ay Fannaaniinta Kooxda Fanka ee Xiddigaha Geesku soo saareen Munaasibaddii Ciidul-fidriga oo ku beegnayd 17-kii bishan July sannadkan 2015-ka, taasoo uu Fannaanku ku soo bandhigay Barnaamij lagaga duubay Horn Cable TV, waxa uu Cabdi Good sheegay inay ka arradan tahay Anshaxa Suugaanta Soomaaliyeed.

Cabdi Good Abees waxa uu si weyn u dhalliilay Abwaanka Heesta sameeyey, cidda laxanka saartay, Muusigaystaha Tumay iyo Fannaanka qaaday iyo weliba haddii ay jirto Guddiga naaqishaadda, kala xulista iyo Tifaftirka Heesaha u qaabbilsan Kooxda Xiddigaha Geeska, isagoo ku dooday inay ka baxsadeen Erayo anshaxa, dhaqanka iyo Diinta ka baxsan oo heestaas ku jira sida uu isagu sheegay.

Haddaba, Heestaas oo Muuqaal ah oo uu qaadayo Fannaanka Ismaaciil Danan iyo sida uu Cabdi Good u lafa-garay, isla markaana u weeraray Heesnimada Heesta ‘Wacan’ oo sidaa aannu sheegnay Heesaha cusub ee Ciiddii soo baxay ka mid ah u galay-ba waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho Habboon:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.