Qarixii labaad oo 24 saac gudahood ka dhacay Ruushka iyo qasaaraha ka dhashay

Foolgo Garaat(Aftahannews):- Afar iyo toban qof,ayaa ku dhitay  illaa hadda inta la og  yahay  soddon ruuxna waxaa ka soo gaadhay dhaawacyo   Qarax aad u xoogan oo uu fuliyay ruux naftiis hura ah oo siku dhex qarxiyay Bas marayay gudaha magaalada Foolgo Garaat ee dalka Ruushaka,waana qaraxiilabaad ee ka dhaca magaaladaas 24 gudahood.

 Qaraxa ayaa waxaa uu kadhacay bas rakaab qaada dhexdiisa, waxaana uu dhacay kadib markii ruux naftiisa halige ahi uu isku dhex qarxiyay gudaha Baska, kasoo marayay meel aad wadadu ay cidhiidhi u atahay   oo ay dadku ku badanyihiin waxaana sida laxaqiijiyay ku geeriyootay qaraxaasi 14ruux halka dhaawucuan  uu kor u dhaafayo 28 ruux kuwasoo ladhigay cisbitaalka magaaladaasi.

 

Godoomiyaha kooxaha danbi baadhista dalkaasi ruushka ninka lagu magacaabo Falaadamiir Makiin, ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxaasi uu geystay qasaare aad u laxaad weyn ciidammadda amaankuna ay wadaan baadhitaanno.

Qaraxan  maanta dhacay 24 ka hor waxaa uu sidoo kale qarax ka dhacay isla magaaladaasi  goob tareenada laga raaco kaasoo ay ku dhinteen inta la xaqiijiyay 17 ruux  tiro kalena ay ku dhaawacantay.

Qaraxyada 24 saac ay u dhaxaysay ee ka dhacay magaaladda  Foolgo Garaat ee galbeedka dalka Ruushka ayay tirada guud ku dhinteen 31 isla markaana ay ku dhaawacmeen dad la sheegay inay 50 ku dhawaad yihiin,waxaana ku bur burtay hanta badan.

Labada qarax ee isku magaalada ka dhacay dalka Ruushka,ayaanay wali cidi sheegan .

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland