Daawo Asmo-Love oo Sharraxaysa Qisada dhabta ah ee Heesta (Addoonsi Jacayl) & Cidda ay ku dhacday

Hargeysa (AFNS)- Hees cusub oo taabanaysa Qiso Jacayl oo dhab ah, isla markaana ay ku luuqayso Fannaanadda Codka toolmoon ee Asma Daahir Ismaaciil (Asma-Love) oo qisada Heesta keentay lafteeda ka warramaysa, ayaannu idiinku soo gudbinaynaa qaybteenna Dhaqanka iyo Suugaanta ee Aftahannews, Heestaas oo Hal-ku-dheggeedu yahay (‘ADDOONSI JACAYL’).

Heestan oo uu Hal-abuuray Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-Saalax) oo ah Guddoomiyaha Kooxda Fanka ee Xiddigaha Geeska, isla markaana uu Muusiga ku ladhay Axmed-weli Ibraahin Furinle, sidoo kalena uu Laxanka Saaray Fannaanka Maxamed Siciid BK, waxaannu Heesta iyo Qisada dhabta ah ee laga sameeyey-ba idiin kala baxaynaa Asma-Love oo Sharraxaysa, qaadaysana Heestaa, ee ka daawo oo kaga bogo Muuqaalkan Hoose.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.