Qarax khasaaro dhimasho Geystay oo ka dhacay dalka Kenya

 

Dhagaxley(Aftahannews):- Qarax miino  oo dhulka lagu sii aasay ,ayaa la kacday mid ka mid ah gaadiid kolonyo ah oo  galbinayay Madax ka tirsan Ha,aydda caalamiga ah ee Care International oo agagaarka xerada Qaxootiga ee Dhagaxlay  ee dalka Kenya .

Qaraxa miinada  oo ahaa mid dhulka lagu sii aasay ayaa geystay qasaare nafeed,waxaanay wararka qaraxa laga helayaa ay sheeayaan inay qaraxaa ku dhinteen tiro askar Kenyan ah oo saarnaa gaadhiga ay miinadu la kacday isla maraana ay kuwo kale ku dhaawacmeen.

Xerada qaruxu ka dhacay,ayaa   ka mid ah xeryaha qaxoontiga eek u yaalla dalka Kenya  taasoo ay ku jiraan qaxooti badan oo Soomaali ah.

Marjii qaraxu dhacay  wax yar ka dib waxaa goobta soo gaadhay ciidanka Kenya eek u sugan degmada hadhaab,kuwaasoo gootii qaraxu ka dhacay agagaarkeeda oo dhan jidhay dhamaan waddooyinka  gala.

Ciidanka Kenya,ayaa xerada Qaxootiga ee uu qaruxu ka dhacay waxay ka qabteen tiro dad ah oo ay qabteen qaraxaa lala eegtay kolonyada gaadiidka ah.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland.