Wasiir Laga Saaray Shir Aan Caadi Ahayn Oo Uu Qabsaday Xisbiga KULMIYE

Cali Siciid Raygal oo markii shirka aan caadiga ahayn ee KULMIYE ka furmay Xarunta Xisbiga,ayuu isku dayay inuu soo jeediyo sida uu doonayo in wax loo wado oo uu si tag taagan u tilmaamay hoggaankii Xisbiga KULMIYE oo dhibsaday hadalka aan qaban ee uu la shir yimi Wasiir Cali Siciid Raygal oo aan ka mid ahayn.

hoggaanka Xisbiga ee shirka ka arriminayay ayaa sababtay in guddoomiye kuxigeenka koobaad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed uu shirka dibada uga saaray oo uu faray inuu shirka ka boxo oo uu dibadda ka yahay.
Intaa ka dibna Wasiir Raygal oo cadhaysan isla markaana ku hungoobay fikirkii uu is lahaa meel mari oo aan laga dhgaysanna dibada loo saaray ayaa sidaa shirka kaga baxay.

Berberanews.com
Hargeysa Somaliland