Axmed Ismaaciil Samatar oo sheegay inay beelaha qaar ku dulman yihiin Somaliland

Hargeysa  (Aftahannews):- Professor  Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa sheegay inay jiraan beelo Somaliland ku dulman oo ay wax  ka maqan yihiin,waxaanu sidaa ku sheegay qudbad uu  caawa  ka jeediyay  kulan balaadhan oo aqoon is weydaarsi ah oo  si weyna loo soo abaabulay  laguna qabtay  Xarunta  Jaamacadda Gollis ee magaalada Hargeysa ,kulankan oo ay kasoo qayb galeen maamulka kala duwan ee Jaamacadda Gollis.

u_119988d_2013-12-29-22-44-24f_nnnnnnnnnnnn

u_119988d_2013-12-29-22-47-24f_vvvv

AXMED ISMAACIIL SAMATAR12

“Waxaan arkay dee meel laba beelood uun is eryanayaan ,iyada oo ay ku qadeen beelaah Barriga Somaliland dega oo kamid ah beelaha halkaasi isku hirdiyaya beel ahaan ,haddana way ku dulman yihiin halkaasi”.ayuu yidhi Professor  Axmed Ismaaciil Samatar.

Professor  Axmed Ismaaciil Samatar.oo ka hadlayay kala duwanaanshaha Somaliland iyo Soomaaliya tusaalena u soo qaatay dhacdo uu kala kulmay Muqdisho markii uu u tartamayay kursiga Madaxweynaha Soomaaliya,ayaa yidhi.

                                         

 “Waxaa kale oo jirta inay dhabtahay kala duwanaanshaha uu walaalkay sheegay ,waxa jirtay in waqtigii aan doorashada ka qayb gelaayey Soomaaliya uu shir la yeeshay madaxweynihii Soomaaliya dad badan oo dawlada kamid ahaa ,kadib markii shirkii dhamaadayna uu nin hadlay ,waxaanu yidhi waar horta ninkan kaambaynka culus innagu haya ee ina Samatar muxuu Boorame uga talin waayey,taasi maaha xataa haddii uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo la shiro reerkiisa mid ka suurtowda ,waayo lama odhan karo Soomaaliya waar calankii ayaad hoos fadhidaa ee sidaa ha odhan lagamana qaban”.

 Waxa kale oo uu soo jeediyey Professor Axmed Ismaaciil Samatar oo uu ardayda Jaamacadda Golis ka waaniyay dhibaatada qabyaaladda oo uu tilmaamay inaanay qarannimo iyo qabyaaladi meel wada mari Karin isla markaana ay yihiin laba aan is qaadan karin.

 Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland