Askar ka tirsan Ciidamada Kenya oo lagu dilay Kismaayo

Kismaayo(Aftahannews):- Laba asgari oo ka tirsan ciidanka Kenya eek u sugan magaalada Kismaayo,ayaa inta la ogyahay ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacantay qarax lala eegtay gaadiid Millatari oo ay ciidanka Kenya leeyihiin oo marayay gudaha magaalada Kismaayo.

Wararka qaraxa Kismaayo  laga helaayo ee ay soo dirayaan wariyeyaasha Aftahannews,ayaa intaa ku daraya in kolonyo gaadiid Millatari ah oo ay leeyihiin ciidanka Kenya oo marayay wadada loo yaqaanno dalacadda isla markaana ay la kacday mid ka mid ah gaadiidkaas miino dhulka lagu sii aasay oo wadada ku aasnayd.

Wararka aanu ka helayno wariyyeyaasha Aftahannews eek u sugan magaalada Kismaayo,ayaa intaa ku daray inay ciidanka Kenya markii qaraxu uu dhacay ay xidheen wadada loo yaqaanno dalacada ee magaalada Kismaayo isla markaana ay halkaa ka wadaan baadhitaanno.

Dhaawacii iyi meydkii askarta Kiiniya qaraxan kaga dhintay ayaa labadaa la geeyay cisbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.

Aftahannews.

Hargeysa Somaliland