Madaxwynaha Soomaaliya oo IGAD ku adkeeyay soo af-jaridda colaadda Koonfurta Sudan

Nairobi(Aftahannews):- Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ,ayaa madaxweyneyaasha urur goboleedka IGAD  ku adkeeyay sidii loo soo af-jari lahaa colaadda dalka Koonfurta dalka Sudan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  oo ka hadlayay kulanka Madaxweyneyaasha  urur goboleedka IGAD oo  maanta ku qabsoomay magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya oo lagaga hadlayay xaaladda dalka Koonfurta Sudan oo dagaal uu ka socday labadii todobaad ee ugu dambeeyay,kaasoo ay ku dhinteen dad  lasheegay inay kor u dhaafeen 500 oo qof.

“IGAD waa inay juhdi walba ku bixisaa si loo xaliyo South Sudan, Waa inaan muujinaa dadaal kasta oo aan u joojineyno dhiiga daadanaya isla markaana aan u dhexdhexaadin laheyn kooxaha ka soo horjeeda dowladda iyo dowladda si nabad iyo amni looga dhaliyo South Sudan.” sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland