Wasiirkii Maaliyadda Lubnaan iyo Saraakiil Kale oo Lagu Dilay Qarax ka Dhacay Magaalada Beyruut.

Lubnan(Aftahannews):-  Wasiirkii hore ee Maaliyadda dalka Lubnan Maxamed Shadax iyo dad kale,ayaa ku dhintay qarax is miidaamin ah oo lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo uu la socday isla markaana ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof oo kale.

Ciidammada ammaanka ee dalka Lunban,ayaa xidhay wadada uu qaraxu ka dhacay xidhay  kana wada baadhitaanno.

Xukuumadda Lubnaan, ayaa ku dhawaaqday in qaraxa ay ku dhinteen dad kabadan toban qof waxaana kamid ah Maxamed Shadax wasiirkii hore ee maaliyadda ahaana kaaliyaha Sacad alxariiri oo hore dalka Lubnan  Raysal-wasaare uga soo noqday.

Qaraxa ,ayaa waxaa kaloo ku dhintay saraakiil  ka tirsan ciidanka ammaanka ee dalkaas oo ku sugnaa goobta qaraxu ka dhacay.

Sarkaal u  Shirkadda Al-mustaqbal oo uu ka tirsanaa Maxamed Shadax oo qaraxa ku dhintay horen dalka Lunban uga soo noqday Wasiirka Maaliyadda,ayaa shreegay inay qaraxan u tuhun san yihiin innay ka dambeeyeen kooxda uu ku sheegay Al-Shaydaan oo   uu shegay inay shiico yihiin.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland