Raysal-wasaaraha Soomaaliya oo sheegay inaanay Argagixisadu sii jirayn Wakhti badan

Muqdisho(Aftahannews):-  Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed,ayaa sheegay inaanay wakhti badan sii jirayn kooxaha argagixisadu kol haddii waxa ay samaynayaan ay ka soo hor jeeddo diinta Islaamka.

Raysal-wasaaraha Dawladda Federaalka  ee Soomaaliya. Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa tacsi u diray Askartii iyo dadkii shcibka ahaa eek u geeriyooday,waanu ballan qaaday in xukuumaddiisu a dagaalami doonto kooxaha argagixisada ah.

“Waa wax aad u foolxun dhaqanka ku saleysan daadinta dhiigga dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan” ayuu yidhi Raysal-wasaare . Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed,waxaanu intaa ku daray  

“Kooxaha argagixisada ah ma sii jiri karaan waqti dheer, maadaama afkaarta ay aaminsan yihiin ay tahay mid liddi ku ah Diinta Islaamka, dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed iyo damiirka bani’aadannimo” ayuu mar kale yidhi.Raysal-wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland