Al-Qaacida oo Maxbuus Maraykan ah sii dayntiisa shuruud ku xidhay

Bakistaan(Aftahannews):- Ururka Al-Qaacida ,ayaa shuruud ku xidhay dawladda Maraykanka oo doonaysa in loo sii daayo muwaadin dalkeeda u dhashay oo gacanta ugu jira urur waynaha Al-qaaciida.

Ninka ay Al-Qaacida gacanta ku hayaan oo sida la sheegay ah Qandaraasle Mareykanka u dhashay ayaa waxaa horay loogu afduubtay gudaha dalka Pakistaan 2 Sano ka hor, waxa uuna kasoo muuqday Ninkaasi Video ay Ururka Al-Qaacida soo duubtay laguna baahiyay Wargeyska Wathitonpost ee Mareykanka kasoo baxa.

Ninkan oo lagu Magacaabo Warren Weinstein ,ayaa  Madaxweynaha MMaraykanka Obama ka dalbaday inuu arrintiisa wax ka qabto isla markaana  uu ogolaado shuruuda ay sii dayntiisa ku xidhay Al-Qaaciida.

 “Maraykanku waa inuu joojiyaa duqaynta ay diyaaradihiisu ka geystaan Soomaaliya,Yemen iyo Pakistan,hddii uu doonayo in la sii daayo ninkan.”sidaa waxaa yidhi afhayeen u hadlay Al-qaaciida oo ka soo baxay cajalad Fiidyaw ah o laga soo duubay ninka maxbuuska ah oo farriin u dirayay Madaxweyne Obama laguna baahiyay baraha internetka ee taageera Al-Qaaciida.

 “waxaan Marar farabadan ka dalbanayaa Madaxweyne Obama inuu i caawiyo, isagoon eegayn  wax faa’iido  ah” si aan dib ugu helo Xorriyadeyda ulana midoobo mar labaad qoyskayga.” Ayuu yidhi Warren Weinstein

Al-Qaaciida,ayaa shuruuda ay ku xidhay sii daynta ninkan Maraykanka ah ee ay haysato aan la garanayn  jawaabta ay ka bixin doonto dawladda Washington oo dagaal caalamiya kula jirta Al-qaaciida iyo ururada taageera ee ka dagaalama daafaha caalamka.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland