Ma Siyaasi Baa Mise Waa Suldaan?

Qalinka: Cabdishakkuur Xaaji Muxumed (Heer-sare)…Waxa la joogaa xilli ay muuqato in la isku dhex milmay. Waxay milgihii iyo hugiiba ay ka xayuubiyeen mansab waqtiyo hore meel sare kaga jiray meertada nolosha dadka afka Soomaaliga ku hadla. Waxay u xuubsiibteen inay ku qadhaabtaan magacii sharafta lahaa ee mudnaa in la qaddariyo. Magacyo badan ayay ku mutaysteen hab-dhaqanka ay ku sugan yihiin, iyagoo ku dhex asqoobay ujeedooyin badweyn ah oo hadba dhinac u jiidanaya. Illayn mar ayuun-baa la xisaabtamaa, bir-magaydo la yeeshaa, hoos loo eegaa jidka lagu soconayo, ma leh.

Qarnigan la joogo ee 21aad waxaad arkaysaa arrimo badan oo ku yaab-gelinaya. Waa qarni bog cusub u furaya cibaarooyin xanbaarsan waxyaabo badan oo ku cusub geeddi-socodka nolosha. Arrimaha isbedelka weyni la soo dersay waxa ka mid ah hannaankii saldanadda oo u muuqata mid weji cusub la soo baxday. Tusaale dhaw haddaan soo qaato, Somaliland qarnigan horraantiisii ayay u ban-baxday inay ku biirto dawladaha ku dhaqma qaabka maamul ee dimuqraadiyadda ku dhisan oo hoosta ku wata hannaanka xisbiyada badan, doorashooyinka xorta ah iyo in hogaamiyaashu ku yimaadaan codka shacabka. Waxa tan iyo xilliggaa barbar socday oo sidii tusbax la furay noqday iscaleemo-saar joogto ah oo ay samaynayaan beeluhu.

Waagii baryaba waxa aad maqlaysaa: “Maantana waxa la caleemo-saarayaa suldaan hebel, boqor hebel, ugaas hebel, caaqil hebel iyo qaar kale oo badan.” Beelaha Somaliland muddooyinkii hore waxay lahaayeen saldanad la yaqaanno oo qabiil kastaa waxa uu lahaa suldaan amma boqor la daba fadhiisto. Waxaase jiray cuqaal salaadiinta u qaabilsanayd fulinta oo tiradoodu badnayd. Xilligan aynu ku jirno jilibyada qaar ayaa waxay leeyihiin dhawr suldaan. Haddaba maxaa sababay suldaan-bararkan soo batay?

Markii aan arrintan daba-gal ku sameeyey waxa ii soo baxday in geeddiga siyaasaddu saamayn ballaadhan ku yeelatay tubtii saldanadda. Waxaana saamayntan xuddun u ah xisbiyada iyo xukuumadda hadba talada haysa. Mid ka mid ah dadka arrintan u dhuun daloola oo aan fikirkiisa waydiiyay ayaa yidhi: “Haddii ay siyaasadi ku samaysay waxa laguu samaystay oo lagaa sugayaa waa arrimo siyaasadeed.” Weedhani waxay tilmaamaysaa in salaadiin badan oo muddooyinkii u danbeeyey la sameeyey inay ku yimaadeen caleemo-saar siyaasadeed oo badankooda waxa samaystay siyaasiyiin doonaya inay taageerada reerkooda kasbadaan. Waxa marar kala duwan warbaahinta lagu arkaa suldaan xukuumadda difaacaya oo dhaliilaya xisbiyada mucaaradka ah, suldaankan waxa muuqata inay samaysatay xukuumadda oo doonaysa inay danaheeda ku fushato.

Hab-dhaqanka Salaadiinta ay siyaasaddu samaysay waxaad ku garan kartaan arrimaha soo socda; Marka ay xukuumadda ka difaacayaan eedaymaha cidda xukuumadda mucaaradka ku ah ee dhaliisha wax-qabadkeeda iyo siyaasaddeeda. Tusaale ahaan wuxuu iska dhigaa mid xukuumadda wakiil ka ah. Wuxuu reerkiisa ka raadiyaa inay taageerto xukuumadda.

Haddii uu siyaasi amma xisbi siyaasadeed ka la socdo wuxuu ku hadlaa afka mucaaradka, oo waxa aad arkaysaa suldaan dawladda dhaliilaya oo isticmaalaya luqaddii mucaaradku ku hadli lahaa. Wuxuu raadiyaa inuu iska horkeeno xukuumadda iyo reerkiisa, isagoo ku raad-gadanaya; “waxba la inooma qaban, waa la ina quudhsaday. Saamigeennii cid kale ayaa la siiyey. Sidii aynu ugu lisnay la inooma abaal marin. Reero innaga yar yar ayaa la innaga door biday. Waa in aynu arrintaa ka dhiidhinaa oo aynu go’aan ka qaadannaa.”

Waxa kale oo aad salaadiintan ku aqoonsan kartaan, xilliyada ay siyaasaddu kululaato ee mucaarad iyo muxaafad loo kala baxo. Suldaanka dhabta ahi wuxuu ciyaaraa door dhex-dhexaad ah oo cidna dhinac ma saaro. Wuxuu u hiiliyaa danta guud, wada jirka, isu soo dhawaynta iyo dejinta xaaladda. Hasayeeshee suldaan-siyaasigu wuxuu u hiiliyaa hadba cidda uu la jiro. Haddii uu xukuumadda la safan yahay wuxuu ku nuux-nuuxsadaa in xukuumaddu saxan tahay, in nabadgelyada la wiiqayo, in laga xun yahay tallaabooyinka iyo qorsheyaasha ay xukuumaddu fulinayso. Haddii uu mucaaradka la safan yahay-na, wuxuu sidaa si leeg u muujiyaa in mucaaradku saxan yahay, danta dalka iyo ta dadkaba u wanaagsan yihiin, lagana gar-daran yahay.

Waayadii hore shaqada salaadiintu waxay ahayd hagidda iyo guddoominta talada guud ee reerka. Waxa uu suldaanku lahaa guddi la shaqaysa oo u kala haadisa qorsheyaasha iyo hawlaha kala duwan ee uu qabanayo. Waxa uu lahaa xarun uu ka taliyo sida geed weyn oo loo waabi jiray. Hadda arrimahaas wax badan ayaa iska beddelay.

Salaadiinii waxay isugu jiraan qaar magaalooyinka soo galay iyo kuwo weli miyigii ku sugan balse xidhiidh joogta ah la leh magaalada. Shaqadii ay qaban jireen wax badan ayaa ku soo kordhay. Qaabkii ay wax u maamuli jireenna wuu isbeddelay. Xilligii iyo xaaladihii ay guddoomin jireenna arrimo badan ayaa ku soo kordhay. Waxaana salaadiintu ahaan jireen kuwo la xooleeyo oo ka fog baahi iyo dhuuni-raadis.

Gunaanadka qormadan “Ma Siyaasi-baa Mise Waa Suldaan” waxaan ku soo af-meerayaa taladan aan ka soo uruuriyey dadka daneeya wanaagga saldanadda. Horta waa inay Salaadiinta siyaasadda ku dhex milantay fahmaan inay yihiin hogaamiyaashii dhaqanka ee reeraha. Inay ku suntanaadaan walaalaynta dadka danta kala jiidanaya, inay ka foogaadaan in siyaasigu ku guuro dantiisana ku fusho, inay mabda’ yeeshaan oo aanay manfac-raac noqon, inay birmagaydo/wax xakameeya yeeshaan. Haddii siyaasadda iyo saldanaddu isku dhex milmaan waxa lumaya haykalkii iyo qiyamkii saldanadda. In reeruhu sidii waayadii hore saldaaniinta u sameeyaan xoolayn si uu uga maarno ugana xoroobo inuu cid ku tiirsanaado amma dhaqaale ka raadiyo. Waxay se su’aashu tahay; maxaa loo bixinayaa suldaanka siyaasadda u xuubsiibtay ee shaqada ka dhigtay?

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]

cabdiheersare01@hotmail.com