‘Dahabkaaga haku iibsan Caafimaad!’ – Qalinka Maxamed Faarax Qoti

Wuxuu ahaa fikir saliim ah oo ku cusub dunida inteeda kale, oo ahaa badbaado iyo guul u soo hoyatay  dhammaan Bulshada Somaliland,  waa mid  kaasoo maaxatay Madaxweyne  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee talada dalka u haya majaraha Siyaasadda,  markuu gundhigga ugaga dhigay  hawl-gacmeed hal-ku-dheggeedu ahaa maalinta Olalaha Nadaafadda Qashinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, in lagu xuso maalinta Caafimaadka Adduunka  oo ku beegnayd 07/April/2015.

DAHABKAAGA HAKU IIBSAN CAAFIMAAD

Haddaba, marka la barbar-dhigo xuska hal-ku-dhegga maalinta Caafimaadka Adduunka 07/April/2015 ee  halku-dhaggiisu ahaa,  (From Farm to Plate, Make Food Safe‘)  oo macnaheedu uu yahay, Beerta  illaa iyo Saxadka Cuntada ka dhig ammaan iyo  hal-ku-dheggeennii ahaa maalinta Olalaha Nadaafadda Qashinka Qaranka Somaliland, kaasoo ahaa  mid ku dhisan caqli iyo garaad Siyaasaddeed,  marka aynu eegno waddamada Adduunka intooda badan, waa kuwo awood dhaqaale u leh habka maareynta  khashinka, iyagoo u isticmaala khashinka dib u Wershadeyn , isla markaana  ay dib ugaga faa’ideystaan qashinkii la tuuri lahaa, taasoo ah tiir ka mid ah tiirarka kobaca kaabayaasha dhaqaalaha waddamada hore-u-maray.

Balse, haddana kama maqna in la qaato hadba  xaaladda  waxyeellooyinka caafimaadka bulshada ee ka jira waddamadooda, maaddaama oo ay yihiin intooda badani kuwo ka qayb-qaata dhinaca dhaqaalaha mucaawimadda caafimaadka loogu deeqo waddamada saboolka ah ee soo koraya. Waxaynu odhan karnaa Xukuumaddu waxay qiimeysay xaaladda waxyeellooyinka caafimaad bulsheed ee ka jira  Somaliland, taasoo si mug leh ay ugaga qayb-qaateen in ka badan boqollaal kun oo ka mida Ciidammada Qaranka, Shaqaalaha Wasaaradaha, dawladaha hoose, Shirkadda Maareynta Qashinka oo ay wehelinayaan  Gaadiidka-qaada Qashinka oo tiro badan, Masuuliyiinta dawladda oo illaa heer Madaxweyne leh iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada reer Somaliland yar iyo waynba.

Waxaana suura-gelisay in lagaga ururiyo lana qaado qashin xaddigiisu uu ahaa in ka badan 100 Tons oo qashin ah dhammaan magaalooyinka iyo degmooyinka dalka ay ahayd  Maskax, Muruq, iyo dhaqaale, sidoo kale taas marka la barbar-dhigo kharashka ku bixi lahaa halku-dhega, Beerta illaa iyo saxanka cuntada ka dhig amaan (From Farm to Plate, Make Food Safe’)  qadar lacag ah oo dhan 500$ oo dollarka mareynkanka ah  in lagu qabto Xuska xaflada maalintaas oo qudha.

Tani waxay inna baraysaa  ama ay inna tusinaysaa habka loo kala doorto mushkiladaha ( Mushkilada weyn iyo Mushkiladda yar), waana ta ay Somaliland hal-ku-dhegga ugaga dhigatay maalinta caafimaadka adduunka 7/April /2015  Ololahan Nadaafadeed ee  qashinka lagaga nadiifinayey dhammaan dalka oo idil.

Dahab aad ku iibsato  Caafimaadkaaga,  yaanu xanuunku kaa kharash gareynin, ee  ku dedaal dhinaca Nadaafadda,  qashinku intuu kuu jiro ayuu cudurkuna kuu jiraa,  sababtoo ah sida aynu wada-ogsoonahay sababaha ugu waaweyn ee cudurada ka dhalan kara Qashinka iyo cuntadaba  ay yihiin, :- Bakteeriyadda, Fayraska, Nooleyaasha, kimikooyinka (kuwa dabiiciga ah iyo kuwa sameyska ah) iyo noolaha illimaqabatiga ah.

Madaxa Isgaadhsiinta dhammaan Adeegyada Caafimaadka Aasaassiga ah ee Wasaaradda Caafimaadka.

Maxamed Faarax Qoti

mfqoti@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.