Madaxweynaha Soomaaliya oo gaadhay dalka Kenya

Nairobi(Aftahannews):- Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaadhay Xarunta dalka Kenya ee Nairobi halkaas oo uu shir uga furmayo dalalka ku hohoobay urur-goboleedka IGAD, isla markaana lagaga wadahadli doono xaaladda dalka ugu da’da yar qaaradda Afrika ee Sudan-ta Koonfureed oo dagaallo sokeeye ay ka bilaabmeen  dad badanina ku geeriyoodeen.

Berri oo ay taariikhdu tahay 27-ka December 2013,  isla markaana jimce ah ayay  madaxweynayaasha IGAD ay ku shirayaan Nairobi oo ay kaga wada  hadlayaan xaaladda dalka koonfurta Sudan  oo dagaallo ay ka socdaan. Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dowladaha IGAD oo dhowaan booqday  magaalada Jubba ee caasimada koonfurta  Sudan, ayaa u soo kuurgalay xaalada dalka isla markaana soo dhex dhigay heshiis iyo xabad joojin kooxaha isku heysta siyaasadda dalka.

 Wasiiradda Arrimaha Dibedda ayaa kulan ay la soo qaateen Madaxweynaha koonfurta   Sudan Silva Kiir, ayuu ku caddeeyey inuu diyaar u yahay inay heshiis aan shuruud laheyn wada galaan  kooxaha ka soo horjeeda isla markaana dib u heshiisiin ay ka dhacda dalka koonfurta  Sudan.

 Madaxweynaha Soomaaliya oo kulamo gaar gaar ah la yeelan doono madaxweynayaasha dalalka IGAD isla markaana khudbad ka jeedin doono shirka ayaa diirada saari doono sida ay lagama maarmaanka u tahay in IGAD ay door hoggaamineed ka qaadato xaaladda Koonfurta  Sudan oo laga hortago inay collaaduhu  sii socdaan oo ay dalka Koonfurta  Sudan geliyaan dagaallo sokeeyo.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu ugu baaqo madaxda IGAD in dowladda South Sudan lagala shaqeeyo sidii ay dib u heshiisiin ugu xallin laheyd arrimaha ka jira dalka South Sudan.

 Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa kulamada uu la yeelanayo madaxda IGAD kala hadli doono xiriirka dalalkaas iyo Soomaaliya isla markaana xoojin doono sida loogu baahanyahay in IGAD ay xoogga saarto in dalka South Sudan uu noqdo dal xasilan oo nabad ah.

 Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland