Haween Soomaaliyeed oo laga badbaadiyay Jabhadda Koonfurta Sudan

Jubba (Aftahannews):- Haween Soomaaliyeed iyo dumar kale oo ajaanib ah,ayaa laga badbaadiyay Jabhadda Koonfurta  Sudan,ka dibna waxaa loo qaaday dhanka caasimada Jubba.

Dumarka Soomaalida iyo 55 kale oo haween Ajaaniib ah, ayaa waxay toddobaadkan gudaha u galeen Xarun, ay Hay’adda UNHCR ku lee dahay Magaalada Bor,waxayna ka heleen magangalyo.

Muna Nuur Diiriye oo kamid ah dumarka Somaliyeed ee laga soo qaaday Magaalada Bor, ayaa waxay sheegtay in diyaarad looga soo qaaday Magaalada Bor.

Haweenkaan, ayaa waxaa la geeyay Magaalada Jubba ee Xarunta dalka Koonfurta Suudaan, oo ka wanaagsan xaalada ka jirta Magaalada Bor ee Xarunta Gobolka Jonglie.

Magaalada Bor, ayaa waxaa isbuuc kahor dagaal culus kula wareegay kooxaha mucaaradka, kuwaa oo Ciidamada Dowladda dhinaca kaga waqooyi ee Magaalada kaga saaray.

 

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland