Soomaali ku guulaysatay Abaal-marinta ugu sarraysa sannad-dusiyeedka Australia

Hargeysa(Aftahannews):- Laba Hablood oo Soomaali ah, ayaa sannad-dugsiyeedka dalka Australia, ku guulaystay inay ka mid noqdaan Ardayda ugu sarraysa sannadkan, iyadoo sannad-dugsiyeedka dalka Australia uu ka duwanyahay dalalka Yurub badankooda oo la soo xidhio bisha ugu dambaysa sanadka oo ah marka ay cimilada kulku  u soo gasho waddankaas.

Ardayda jaamacadaha, ayaa  xilliga xidhitaanka loo sameeyaa   munaasbado lagu guddoonsiinayo abaalmarino ay muteysteen muddadii  sanadka ahayd ee ay tacliinta soo wadeen, iyagoo qaarkood u kala gudba dugsiyada sarre halka kuwa kalena ay u gudbaan jaamacadaha dalka.

Ismahaan Cabdulqaadir, ayaa ka mid noqotay ardyda sanadkan nasiibka u yeelatay iney hesho abaalmarinta loo yaqaano ACADEMIC AWARD oo lasiiyo ardayda ugu dadaalka badan iskuulka. Tirada Soomaalida heshay abaalmarinta noocan ah ayay ahaayeen labo gabdhood oo Ismahaan ay ku jirto.

 Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.