Abwaan Cabdirisaaq Xaamud (Jaylaani) oo shaqadiisii TV-ga Qaranka lagaga eryey Maanso uu Curiyey

Hargeysa(Aftahannews):- Abwaan Cabdirisaaq Xaamud Caydiid (Abwaan Jaylaani) oo ka tirsanaa Suxufiyiinta ka hawlgala Talefeshinka Qaranka Somaliland ee ay dawladdu Maamusho, ayaa maanta si rasmi ah loogu qoray Warqad shaqada lagaga joojiyey.

Abwaan Jaylaani

Shaqa-ka-joojinta Cabdirisaaq Xaamud Caydiid (Abwaan Jaylaani) oo ka mid ahaa Sawir-qaadayaasha TV-ga Qaranka, ayaa timi ka dib markii uu dhawaan tiriyey ama curiyey Maanso la baxday Qarankii Xarbaa Galay, taasoo uu kaga hadlaayey xaaladda dhabta ah ee Siyaasadda Asxaabta siyaasadeed ee Somaliland ka dhisan iyo qaabka ay u shaqeeyaan markay Mucaaridka yihiin iyo sida ay isu beddelaan markay Kursiga ku guulaystaan.

Hase-yeeshee, Maansadaas oo aanu Abwaan Jaylaani cid gaar ah wax kaga sheegin, balse uu ku muujiyey dhibaatooyinka iyo cabbudhinta Saxaafadda madaxa-bannaan ee Somaliland ay ku hayso Xukuumadda talada haysaa, sida ay Xisbiyada Mucaaridka ahi bulshada u abaabulaan markay dibedda joogaan iyo sida ay ballan-qaadyada ay dadka ku soo jiitaan xilliyada doorashada Marka ay talada ku guulaystaan ay badi meesha uga baxaan, ayaa sababtay inuu aawadeed ku waayo shaqadiisii uu ka hayey TV-ga Qaranka oo ay Xukuumadda Madaxeyne Siilaanyo maamusho.

Cabdirisaaq Xaamud Caydiid (Abwaan-Jaylaani) oo warka shaqa-ka-joojinta uu caawa wax ka weydiiyey Weriye Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo ka tirsan Bahda Shabakadda wararka ee Aftahannews.com, waxa uu u xaqiijiyey inuu warkaasi jiro, hase ahaatee, Abwaan Jaylaani waxa uu ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo arrintaasi.

Hase-yeeshee, ila-wareedyo ka agdhaw Maareeyaha TV-ga Qaranka Somaliland Khadar Cali Gaas, ayaa Aftahannews u sheegay inuu Maareeyuhu warqad uu shaqada kaga joojiyey u qoray. Waxaanay ila-wareedyadu tibaaxeen inuu Maareeyuhu u sheegay Abwaan Jaylaani inuu Curiyey Gabay dawladda uu u shaqaynayey ka dhan ah, sidaa awgeedna shaqada lagaga joojiyey.

“Kadib kolkaad baal-martay kala danbaytii iyo ixtiraamkii dawladnimo, madaxdaadiina aanad qaddarin waxa maanta laga bilaabo 26, Octobar 2013, waxaan ka joojiyay shaqadii aad ka haysay TV-ga Qaranka inta arrintaada la horgeynayo Guddida anshaxa TV-ga.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah ila-wareedyada Aftahannews arrintan uga xog-warramay oo soo akhriyey Warqadda uu Maareeyuhu Cabdirisaaq Xaamud shaqada kaga joojiyey oo ay noo suurageli weyday inaannu helno iyada oo daabacan.

Inkasta oo aanu Cabdirisaaq ahayn Suxufigii ugu horreeyey ee afkiisa shaqadiisa TV-ga Qaranka uu ka hayey lagaga eryey oo ay jireen Weriyeyaal ka hawlgeli jiray TV-ga iyo Idaacadda dawladdu maamusho Su’aalo ay Masuuliyiin dawladeed weydiiyeen ku waayeen shaqadoodii, haddana Cabdirisaaq Xaamud waxa uu noqonayaa Sawir-qaadihii ugu horreeyey ee Maanso uu Curiyey lagaga joojiyo shaqada uu TV-ga Qaranka ka hayey intii ay jirtay Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo.

Maansada uu Curiyey Cabdirisaaq Xaamud Caydiid (Abwaan Jaylaani) ee sababta in shaqada laga joojiyo iyada oo qoraal ah halkan hoose ka akhri..

Maansada Qarankii Xar-baa Galay waxa uu Abwaanku ku bilaabay sidanL:-

“Xilka Gudashadiisi.
Qofba Dayac xagiisi
danta guudna laga xiiq
ta gaarka u xoogsade
Dulmiguna Xor siinoqay
Dhar xaiira loogali
Xurmo Beenta Lagu soor
Runna Xerada loodiid
Xeerkiyo Dastuurkii
Ayagana Laxa xabawari
digo xaadh lasiimari
hadii uu xumaanjiray
masuul qaranka xadaya
xaaji weeye maantoo
waana lagu Xurmeeyaa
qarankii xarbaa galay
hadba waxa na Xiijoo
dadwaynaha xaqoodiyo
Danta Guud U xaadira
Xisbigaan xilnoohayn
waaba xaajo yaablee
kolkay xoolosiintiyo
dadku xoog ku biirshan
Xukunkana udhiibtaan
Xiligaa Wixii xiga
Umad kala xiir go,e
waanay kala xanaaqaan
Xubnihii ay doorteen
Xanta suuqa taaliyo
Xogta waxay idhaahdan
kii horaaba xaashee
Xaab Xaab katagayee
Danyar xeedhadeedii
Mid xantoobsada yimi
qaranki xarbaa galay
xaajo maaha ugubee
Xaraf Suxufigii qora
Xeer ilaalin lodoon
lagaqaad Xoiyadee
cadligi xaguumaray
dadka lagu xodxodan jiray
Dad Xabuuba Inayiin
oon wali xisaabtamin
Xisku inu kamqanyahay
Shacabkaygi loo xilan
Midkalay Xamaashaan
isna Xeelad so dagay
suudh xidhan amaana
Go,day xaawalaydiye
Dahabkay xaraashaan
Xaal siyaasi weeye
Xero uu samaystaa
Danyar lagu xareeya
Xurmo badan lasiiyaa.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.