Mareykanka oo shaaciyay magaca Nin uu ku sheegey inuu maal-geliyo Al-Qaacida

 Washington(Aftahannews):- Dawladda Maraykanka,ayaa shaacisay magaca iyo dalka uu u dhashay nin ay sheegeen inuu maal galiyo argagixisada caalamiga ah ee Al-Qaaciida  isal markaana uu dhaqaale fara badan siiyo  argagixisada caalamka.

Xoghayaha Waaxada lacagaha dalka Mareykanka David Cohen, ayaa sheegay inay la shaqayn doonaan Dowladaha Caalamka si Lacagaha deeqaha ee la siiyo wadamada Gacanka Carbeed aan loogu adeegsan Rabshadaha iyo dagaalada ka jira Wadamadaasi.

 Waaxda Lacagaha Mareykanka ayaa sheegtay in Ninka lagu Magacaabo Cabdiraxmaan Binu Cumayr  inuu yahay Ninka Maal geliya Laamaha AL-Qaacida ka tirsan sida Xarakada Al-Shabaab iyo Ururka Usbat Al Ansar  ee ka dhisan dalka Lubnaan iyo AL-Qaacidada dalka Ciraaq.

 Warbixinta ay soo saaraty Waaxda Lacagaha Mareykanka ,ayaa lagu sheegay in Ninka lagu Magacaabo Cabdiraxmaan Binu Cumayr oo ku sugan dalka Qadar inuu yahay qofka Isku xidhka iyo Maal gelinta u qaabilsan kooxaha Argigixisada ay dowladaha Reer galbeedku ugu yeedhaan.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland