“Oo Haddaa Maxaad Naga Waalaysay?!” Sheeko Xiiso badan oo dhex-martay Xirsi iyo Samaale

Had iyo Jeer markaad aragto waxyaabo isu eeg-eeg ama is-shabbaha waxay ku xasuusiyaan qisooyin hore u dhacay oo nuxur ahaan u dhaw tegto hore, oo aad mooddo inaanay wax badan kala fogayn kuwa aad xilligaa la kulanto ama goob-joogga u noqoto.

XIRSI IYO SAMAALE

Hadddaan ku soo dhawaado dulucda Sheekadayda; waxa la yidhi; ‘maalin maalmaha ka mid ah ayaa Ninkii Fircon la odhan jiray Raaciyaddiisii ku wargeliyay inaan haba-yaraatee qof Bini’aadan ah loo soo deyn. Dadkii oo debedda tuban oo albaabka lagu celinayo ayaa nin Oday ahi isa soo maqiiqay oo intuu dadkiiba soo jiidhay albaabkii Fircoon si xun ugu garaacay. Fircoon baa isla booday. Oo intuu aad u qayliyay ku yidhi; “Waa kuma qofka sidan albaabka noogu garaacayaa?” 

CALI ISMAACIIL CARAB (CALI DUUL-DUUL)

Iblaysbaa ugu jawaabay isagoo  aan la gabbanayn; “Waxa hadlayaa miyaanu Illaahii Koonka iyo Makhluuqaba lahaa ahayn?” Fircoon baa dib u yara fadhiistay oo yidhi; ‘Waa isagiiye maxaad ahayd?  Iblaysbaa ku celiyay oo yidhi; “Haddaa wa sidee ma Illahay-baa dadkiisa garan waaya?”  Fircoon baa si degdega uga furay albaabkii Kuna yidhi; “Waar bal soo fadhiiso!”  Iblays markuu fadhiistay ayuu canaan iyo jirrab dabada uga galay.

Fircoon oo ka gaabsaday inuu yidhaahdo Illaahay ma ahi, Ninkiina garan waayay ayaa  hoos ugu yidhi; “Waar haaye bal isu kay sheeg oo kumaad hayd?” Iblaysbaa ku yidhi; “Ma adiga oo aan garanayn dadkaaga iyo makhluuqaaga oo aan ogeyn waxa soo socda iyo waxa kaa maqan midna ayaad haddana Illaahay sheeganaysaa? “Waankaa yaabee ninyahow Indha-adagidaa.”

“Waar haaye isu-kay sheegoo maxaad ahayd?” Iblaysbaa hadlay oo isaga oo goodiyaya ayuu ku yidhi; “Anigu Cirkana waan tagaa dhulkana waan tagaa, wixii tegayna waan ogahay wixii soo socdana waan sheegaa, imminka waxa kuu soo gelaya waan garanayaa.”

“Waar haaye isu-kay sheegoo adigu maxaad ahayd?” Ibalays oo Odaygii Fircoon ahaa si xun sharafta uu sheeganayey uga qaaday oo goobtaal taagay, ayaa weydiiyay; “Imminka cidda kuu soo gelaysa miyaad garanaysaa?” Fircoon oo ay dhulka ka taallo ayaa yidhi; “Mayee garan-maayee horta isu kaysheegoo adigu maxaad ahayd?” Iblaysbaa ku yidhi; “Waxaa soo socda Ku-ixgeenkaagii Haamaan!” Kaa iman… Markuu intaa yidhi ayuu soo galayba Haamaankii. Fircoon baa yaabay oo yiqiinsaday inaanu waxba hayn!, Markaasuu weydiiyay Ninkii Iblays ahaa oo yidhi; “Iska dhaafoo waxba haysu kay sheegine immika maxaan yeelaa dadka runta ma u sheegaa!?”

Waxaa la yidhi; Fircoon maalintaasuu Islaamnimo ugu dhawaa. Laakiin maxaa Allaah ka taray? Iblaysbuu u dhiibtay talo. Iblays baa uga jawaabay Fircoon weydiintiisii oo ku yidhi; “Waa maxay kan segegerka ahi ma dadkaad inaas oo sannadood Illaahnimada u sheeganaysay ayaad imminka ku odhanaysaa wixi beentay bay ahaayeene anigu Illaah  ma ihi. Waar halkaa kaga hay illeen meel aad ka noqoto ma joogtide, aniguna waxaan ahay Iblays.” Fircoon baa yidhi; “Oo haddaa maxaad naga waalaysay?!!”.

WASIIR XIRSI IYO WASIIR SAMAALE

Waxaan uga socdaa maalin dhaweyd, ayaa Samaale wuxuu soo garaacay Xirsi. Xirsi oo mashquulsan baa ka qabtay telkii, markasuu ku yidhi; “Waa qofma?” Markaasuu Samaale ku yidhi; “Miyaanad I garanayn?” Xirsi baa ku yidhi; “Ku garan maayee isu kay sheegoo qofmaad tahay?”  Samaalaa ku yidhi; “Miyaanad Wasiir Xiri ahayn?” Markaasuu ku yidhi; “Haa waa isagii.”

Samalaa haddana ku yidhi; “Maxaa naloo lahaa dawladda isaga haysta sideebaad dakaaga u garanweyday?” Xirsi-baa intuu dib u yara fadhiistay ku jawaabay; “Waar haaye isu kay sheeg oo kumaad ahayd?” Samaale ayaa yidhi; “Waar waa Samaale ee maxaad haysaa?” Xirsi baa yidhi; “Oo ninyahow haddaa maxaad naga waalaysay!!!?” Samaale ayaa isla hadalkaa ka dib markuu dhigay Telka wuxuu is wediiayay Sawti Siilaanyo lahaa; “Xirsi markuu hurddana wuu idin arkaa, markuu soo jeedana wuu idin arkaa illeen markuu wax maqlaayo waxba ma arko!!!”.

Qalinka Cali Ismaaciil Carab (Cali-Duul-duul)

Tel: NO: 0634414633

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Burco/Somaliland.