Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka nixiyay Raysal-wasaaraha Cusub

Muqdisho(Aftahannews):- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Maxamed  Sheekh Cismaan Jawaari,ayaa sheegay hadal ka nixiyay Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed oo dhawaan hor tegi doona  baarlamaanka Soomaaliya si ay u ansixiyaan amma u diidaan.

Gudoomiyaha Baarlamaaanka Soomalia Prof: Maxamed  Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa sheegay in  Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliuya,inay ku xulan doonaan barnaamijka siyaasadeed ee uu la yimaaddo isla markaana aanashaqaynayn hebel jeclaysi iyo nin lagu doorto hab qabiil muidnaba .

“Waa hebel Ama waa reer Hebel ninkan codka uma siin doono mana ku doora doono laakiin Barnaamijka uu la yimaado ayaa lagu tixgalin doonaa.” Ayuu yidhi Jawaari guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Hadalka ka soo yeedhay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegay inuu ka nixiyay Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo la sheegay inaanu lahayn khibrad siyaasadeed oo uu ku maamuli karo Dalka Soomaaliya.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland