Daraasad Cusub oo lagu Shaaciyey Muddada ay Haweenku Sirta Haysan karaan ama Xafidi karaan si kastooy u culustay!

Washington/Qahira – (Aftahannews):- Daraasad dhanka Cilmiga Bulshada ah oo Maraykanku sameeyeen, ayaa muujisay in Haweenku hayn karaan Sirta wax ka yar 38 Saacadood, badankooduna ay Sirta u gudbiyaan dad aanay khusayn oo aan danaynayn.

HAWEENKA SIRTA WAY FASHILIYAAN SAACADO KA DIB

Drs. Margnaret Powell oo ku takhasustay Cilmiga Bulshada kana hawlgasha Jaamacadda Michigan ee dalka Maraykanka, ayaa qortay Warbixin dheer oo ay ugu magac-dartay; ‘Haweenaydu waa Wakaaladdii Warareed ee ugu qadiimsanayd caalamka’ ayaa waxay ku sheegtay in Haweenaydu Sirta Xafidi karto muddo 38 Saacadood ah ugu badnaan.

Daraasadda oo laga sameeyey illaa shan boqol oo Dumar ah oo u dhashay waddanka Masar, isla markaana da’doodu u dhexayso 18 illaa 60 sannadood jir, waxay  Haweenku ictiraafeen in aanay hayn karin Sir ay ogaadeen si kastoo ay Sirtaasi u tahay mid Shaqsiyadeed ama mid khatari ku lammaan tahay.

 Daraasaddu waxay caddaysay in Dumarku Sirta u gudbiyaan cid aan danaynayn oo aan wax xidhiidh ah la lahayn mawduuca ay Sirtu ku saabsan tahay , iyagoo saddex dalooloow labo dalool oo Haweenkaasi ka mid ahi ay dareemaan inay dembi galeen ka dib marka ay Sirta bixiyaan ama faafiyaan amaba u afkooda ka gudubtay.

Sidoo kale, waxa Daraasaddani muujisay in adeegsiga Taleefannada iyo Internet-ku ay sii kordhiyeen bixinta Siraha Aadamaha. Hase-yeeshee, Haweenka ku nool meelaha Baadiyaha ah ee waddankaas Masar ay Sirta ku bixiyaan badanaa  meelaha Beeraha ah.

Geesta kale, waxaa jira Baaqyo iyo fikrado kala duwan oo aan bixinta Sirta iyo Xafidaaddeeda u kala saaraynin Ragga iyo Haweenka, tusaale ahaan Haweenayda lagu magacaabo Murawa Ruffaaci oo Macallimad ka ah Jaamacadda Xilwaan ee magaalada Qaahira waxay aamminsan tahay in bixinta Sirtu ku xidhan tahay Tarbiyaddii uu qofka Bani’Aadamka ahi helay xilligii Carruurnimadiisa.

Haweenaydaas Macallimadda ah oo arrintaas ka hadlaysaa waxay tidhi; “Haddii qofku ku dhashay oo ku barbaaray deegaan ay ka jirto kanaa yidhi & waxaa la yidhi, waxa uu noqonayaa oo la qabsanayaa inuu bixiyo Sirta uu ogaado.”

Waxaana ay Macallimaddu sheegtay in Carruurtu yihiin kuwa ugu Xafidaadda badan Sirtooda weliba sannado badan, hase-yeeshee, kuwa bixiya Sirta ee kashifaa ay yihiin dadka looga baahan-yahay Xafidaaddeeda.

Waxa qoray oo isku-soo-habeeyey Qormadan Xiisaha badan oo soo turjumay Suxufiga

Xuseen Aadan Yuusuf (Kurdi)

xuskurdi@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.