Jaamacada ADMAS Oo Xaflad Balaadhan Ku soo dhaweysay Arday Cusub oo ku Soo biiiray

Hargeysa(Aftahannews):- Jaamacadda ADMAS faraceeda Somaliland ayaa maanta si Munaasibada balaadhan oo soo dhawyan ah u samaysay 1357 arday  oo ku biiiray Jaamcadaasi.Munaasibadan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay.

DSC01529

DSC01527

DSC01543-300x168

DSC01532

DSC01486

DSC01506

Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa la qayb galay maamulka sare, Macalimiinta iyo qaar ka mida waalidiinta ardaydaasi cusub.Munaasibadaasi oo ujeedadeedu ahayn in ardayda cusub lagu war galinayo nidaamka iyo shruucda jaamacada Admas ay leedhay, ayaa waxa ka hadlay Masuuliyiin ka tirsan madaxdaasi.

Gudoomiyaha Jaamacada Admas Ixsaan Cumar ismaacil oo ugu horeyn ka hadlay munaasibadaasi ayaa sheegey inuu hambalyeynaayo ardeyda,cusub  sidey iska xilsaareen iney Jaamacada bilaaban,Waxaa uu Md Ixsaan ka warbixiyay heerarkii kala duwanaa ee Jaamacaddu soo martay, waxana uu ku dheeraaday, Aqoonta iyo Waliba qaybaha kala duwan ee ay Bixiso jaamacaddu.

Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadaasi Xuseen C/laahi Maxamud oo isna munaasibadaasi hadlay ayaa ka waramay xilka cusub ee fuulay ardaya cusub waxaanu yidhi “ Maanta waxaanu idinka hadlaynaa arday ahaa xaqa aad leedahiin iyo waajibka idin saaray, iyo sharciga idin xidhaya, maanta laga bilaabna waxaan tihiin xubin ka mida Admas, wanaaga jaamacadu waa wanaagiina, xumaanteeduna waa xumaantiina, waana inaad ka arday ahaan ka qayb qaadatnaan kore u qaadida sugana Jaamacada, maanta waxaan soo doorateen Doorsahadii saxa ahayd, waan inaad ilaashataan,.”

 “ Jaamacan Admas 20/09/2006-dii ayaa la saarsaay, waxana ka qalinjabiyey shan dufcadood, oo maanta marka la eego qaababka deeqaha warbarasho kaalinta koowaad ka qaatay, haday noqdaan aradyii tagay Turkiga iyo Itoobiya, dalka gudhiisana badhi ardaydii way shaqeeyaan intii dadaashay badidoodu, waayo wadanka shaqo way taalaa, taasi waxay ku tusinaysaa mustabal wanaagsan, waxaan Admas  doorateen doorashadii saxda ahayd.” Ayuu yidhi Xuseen.

Gudoomiyaha Guddida sare ahna Aaas-aasaha Jaamacada Axmed Daahir Maxamed (Cadnaan)  oo isaguna halkaasi ka hadlay “ waxaan idin leeyahay ku soo dhawaada Jaamacada Admas, aad ayaan ugu mahad san tihiin inaad, jaamacadan soo doorataan, inkastoo wakhtigan Jaamacadihii yara bateen ardaydiina ay ku yara dawakhday teebaa wanaagsan, hada intiina warbaahinta la socotaa tartan ay qabatay dawlada Turkigu ayaa lagu kala reabay jaamacad Somaliland oo dhan, tartankaas Istanbul ayuu ka dhacay, Jaamacada oo dhan wax la yidhi  qaar 300 ayaa ugu qayb galay kuwo 200, qaarna 100, Admas kuwaas ayaanu ka mid ahayn, Jaamacada Admas ayaana tartankaasi hormood ka noqtay, oo waxanu galayna kaalinta,  1-aad, 2-aad, 3-aad, ilaa Todobaad, taasi maaha wax aaanu iska faafanno ee waaa wax aanu shaqaysanay, waana wax ay soo saareen macalimiinta aqoonta leh ee halkaas fadhidaaa, markaas idinku kaalmahaas oo kale ayaad galin doontaan.

Madaxa Qaybta Dhaqaalaha ee Jaamacadda ADMAS Dr. Swamy isaguna soo dhaweeyay Ardayda Cusub kuna dardaarmay inay ardaydaasi ay muujiyeen dedaal iyo karti.

Axmed-Naasir Xasan oo ah ku xigeenka Madaxa waxbarashada ee Jaamacada ADMAS ayaa isaguna si weyn u soo dhawaayey ardadyaasi cusub.

Ardaydani ayaa  gaadhaya 1357 ee arday ayaa waxa ka baran doonaa Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacada Admas oo kale Ah, ICT, Economics, Management, Accounting, Development Studies, Political Science, engineering, Sociology and social Work.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.