20/Dis/2011-20/Dis/2013: Maxaa Qabsoomay Laba Gu’ oo Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Siyaasadda Ku jiray?

Maanta oo kale, labaatankii bishii Diisambar, sannadkii 2011kii, mid ka mid ah jileyaasha ugu waaweyn siyaasadda Somaliland ahna dhaqaaleyahan, qoraa iyo hal-abuur ayaa uu si rasmi ah shaaca uga qaaday inuu ku biirayo fagaaraha siyaasadda Somaliland… Waa Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Murashaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID.. Waxa aynu qormadan kooban ku eegi doonnaa guulihii, gedaafooyinkii, geeddigii iyo waayihii uu Jamaal Cali Xuseen dhex jibaaxay labadaas gu’ ama sannadood.

siciid iyo jamaal

Waxay ahayd bishii toddobaad ee sannadkii 2011kii markii uu Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen safar ku yimi Somaliland isaga oo ka soo kicitimay dalka Tansaaniya oo uu madax u ahaa Bangiga Citibank. Maalmahaas waxa shidnaa dabayshii ururrada siyaasadda, waxaanu Jamaal ka mid ahaa bulshadii sida weyn loogu hadal-hayn jiray inuu alkumayo urur siyaasadeed cusub. Xilligaas kuma dhawaaqin arrimo siyaasadeed, laakiin waxa uu galay la-tashi ballaadhan, isaga oo dib ugu noqday Bariga Afrika. Waxa uu is-weydiiyay kee faa’iido badan urur cusub oo u baahan in la barto, xafiisyo cusub, taageerayaal, dhisme hoggaan magac leh, xayeyiis iyo in boodhka laga tumo xisbi jiray, caan ah, rug iyo rag leh, keliyana u baahan dardar-gelin iyo dhiig cusub?

Intii uu Tansaaniya joogay waxa carrabka lagu adkayn jiray inuu siyaasadda ku biirayo, marka aan weydiiyo-se waxa uu odhan jiray “Way caddaan doontaa… Wanaag bay noqon..”.. Si guudmar ahna waa ku dhaafi jiray. Waxa uu si rasmi ah uga soo degay madaarka Hargeysa20/Disember/2011, abbaaro 09:00 arooryo. Soo-dhaweyntiisa waxa diyaar u ahaa dhallinyaro, salaaddiin, siyaasiyiin, madax-dhaqameed, kooxaha ciyaaraha dhaqanka, saxaafadda iyo qaybo kale.

Dadkaas waxa ka mid ahaa Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir, Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Axmed Jaambiir Suldaan, Wasiirkii hore ee Xannaanada Xoolaha Marxuum Idiris, Wasiirkii hore ee Ganacsiga Abiib Xasan Filfil iyo Mudan kale.

Kaddib markii uu gegada diyaaradaha Hargeysa soo gaadhay waxa uu mahad-naq u jeediyay bulshada ku maamuustay soo-dhaweynta diirran, waxaana loo gelbiyay Hudheelka Summer Time oo uu kaga dhawaaqay inuu diyaar u yahay inuu siyaasadda u tartamo, isaga oo u sharraxan jagada Madaxweyne ee Xisbigii UDUB “Guul iyo guul-darraba waxa aan u taaganahay Madaxweynennimada UDUB” ayaa hadalladiisii ka mid ahaa. Intaas waxa uu Jamaal ku daray inuu shaqadiisii caalamiga ahayd ka doorbiday inuu dalka u adeego. Misana waxa uu bogaadiyay bahweynta dhallinyarada Somaliland oo dal iyo dibadba ugu baaqay, kuna guubaabiyay inuu waddanka wax u qabto halkii qurbe ka hawl-geli lahaa.

03/Jenewari/2012 ayaa loo doortay Murashaxa Madaxweyne ee UDUB, isaga oo lagu doortay shir ka dhacay Crown Hotel ee magaalada Hargeysa, kaddib markii uu bandhigay qorshihiisa hoggaamineed ee UDUB, kuna dhiirraday inuu bixiyo $300,000 oo ahaa shardi lagu xidhay murashaxa raba inuu u tartamo hagista UDUB si uu Xisbiguu dhaqaale ugu helo hirdanka aloosnaa oo ay 18 urur isu diiwaan-geliyeen, midba meel uu kuu hadho.

Waxa se taas ganafka ku dhuftay garab ka mid ahaa Xisbigii UDUB oo uu hormood u ahaa Madaxweynihii Hore ee Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin. Waxa ku kacay camaasiir iyo xiisado siyaasadeed. In aanu Xisbiga UDUB iib ahayn ayaa la sheegay. “Maad shaqadaada ka mushaharka badan Madaxweynaha iska haysatid?” ayaa la yidhi. Tartankii xorta ahaa ayaa loo diiday. Inuu reernimo UDUB u qaadanayo ayaa lagu eedeeyay, hadda inuu UDUB ka baratamo waxa kula taliyay Daahir Rayaale oo yidhi “Waxba mid cusub ha furane, kan la dhex loollan”.. Khilaafka UDUB waxa uu gaadhay heer maxkamad la isla galo, laakiin waxa ka soo baxay natiijo aan dhinacna mahadin.

Isaga oo ay talo ku ciirtay ayuu dib u aaday Tansaaniya, waxa uu curiyay gabay uu kaga warramay wixii UDUB ka qabsaday.. Dhacdooyinkaas waxa uu ka dheefay waayo-aragnimo mug iyo miisaan leh. Halkii uu hankiisa siyaasadeed ka ambaqaadi lahaa ayuu maankiisa la kaashaday. Laba bilood kaddib ama 19/Maarj/2012 ayaa uu ila soo hadlay Jamaal Cali Xuseen isaga oo ku sugan Imaaraadka Carabta, waxa uu yidhi “Mar haddii UDUB adkaatay waxa aan doonayaa inaan UCID u diga-rogto, waanu wada hadalnay Eng Faysal Cali-Waraabe”.

Intii aanu UCID ku biirin, waxa loo diray ergo doonaysa in aanu UDUB ka tegin, waxa uu sidoo kale u gacan-haadiyay laba ka mid ah urur-siyaasadeedyadii hadhay laakiin waa uu ku gacan-saydhay, waxaanu ku adkaystay inuu kobciyo, dhiso, ka mid noqdo oo uu udub-dhexaad u noqdo xisbiga uu maanta ka yahay Murashaxa Jagada Madaxweynaha.

Faysal Cali-Waraabe qudhiisu waxa uu la baaxaa-degayay maayado ku kacay markii ay siyaasiyiin mug leh oo UCID ka tirsanaa ku dhawaaqeen Xisbiga WADDANI. Isaga oo baadigoob ugu jiray masuuliyiin buuxiya jagooyinka Murashaxnimada Madaxweyne ee UCID, waxaanu caddeeyay inaanu murashax ahayn markii uu shirweynaha Xisbigiisa ku qabtay Crown Hotel 03-04/01/2012. Waxaynu odhan karnaa Ilma Cali Xuseen “Jamaal iyo Faysal” waxa ay ahaayeen laba hiil u baahnaa oo is-helay. Horena waxa ay u lahaayeen xidhiidh, aqoon iyo saaxiibtinnimo weyn.

Waxa ay ahayd 12/Julaay/2012ka markii ay si rasmi ah Xisbiga UCID ugu biireen garab ka mid ah Xisbigii UDUB oo uu hoggaaminayay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.. Qodobbadii lagu heshiiyay waxa ka mid ahaa

    In Garabka UDUB la siiyo jagooyin ay ka mid yihiin Murashixiinta Madaxweynaha, Ku-xigeenkiisa, Xoghayaha Guud iyo Af-hayeenka

    In golaha dhexe laga dhigo 250: 100 UCID ah, 100 garabka UDUB keenaan iyo 50 wadajir loo xulo iyo

    In heshiiskan lagu ansixiyo shir ay qabsadaan Golaha Dhexe ee UCID

Munaasibaddii lagu saxeexay heshiiskan waxa uu Jamaal Cali Xuseen ku faahfaahiyay sababaha ku dhaliyay inuu UCID ka mid noqdo.. In aan wax shuruud shuruud ah lagu xidhin ayuu sheegay.. In Xisbiga UCID uu yahay meel uu damaciisa siyaasadeed ka hirgelin karo ayuu ku nuuxnuuxsaday…

Heshiiskan waxa lagu ansixiyay shir ay Golaha Dhexe ee UCID qabsadeen bishii Oktoobar/2013ka waxaanay halkaas ka ambaqaadeen Ololihii Doorashada Golaha Deegaanka ee qabsoontay Oct/28/2012ka, oo ay ka qayb-galeen Toddoba urur siyaasadeed. Nasiib-wanaag waxa ku soo baxay saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID.

Jamaal waxa uu dedaal weyn oo wakhti, muruq, maal, maskax iyo naf-hur leh u galay sidii uu Xisbiga UCID uga gudbi lahaa doorashooyinka Golaha Deegaanka. In la guuleystaa ma ahayn wax sahal ah, laakiin halgan, soojeed, socod iyo safaadba waa loo maray. Waa Alle mahaddii haddii aanay dedaalkiisi noqon hal bacaad lagu lisay oo uu Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen yahay murashax u taagan hoggaaminta Qaranka Somaliland, halka Xisbigii hagraday ee UDUB uu noqday hagaas tahli waayay inuu loollamo.

Weli Jamaal Cali Xuseen ma furin heensihii iyo higsigii uu lahaa.. Waxa la dhawraaba waa doorashada Madaxtooyo ee qoonddaysan inay qabsoonto gu’ga 2015ka haddii Alle idmo iyo masuulka loo cumaamado inuu majaraha u qabto masiirka, aayaha iyo horumarinta ummadda Somaliland..

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

saedmgahair@hotmail.com

Facebook: Saeed Mohamoud Gahair.