Abwaan Sidiiq M. Burmad oo fasiray Hees Ujeeddadeedu dad badan ku adkaatay oo uu Curiyey

Hargeysa (AFN)- Waxaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa Hees cusub oo fasirkeedu ama sharraxaaddeedu fahan ahaan ku adkaaday dad badan oo dhegaystay, heestan oo uu curiyey Abwaanka Farshaxanka Suudaanta ku ah, ahna Suxufi deggan Hargeysa, waa Sidiiq Maxamed Burmad, waxaana hab-dhaca Muusiga iyo Codka Macaan-ba ku ladhay Fannaanka Maxamed Siciid (BK).

ABWAAN SIDIIQ MAXAMED BURMAD

Waxaa ka mid ah Erayada Heesta;

‘Ga’ay caashaq keligaa,

kuu galay qof kula galay

Axdiyoo misana gabay,

anna wayga go’an tahay…

Waxaa kale oo ka mid ah Erayada heesta 

Caashaqii Guyaal
Waa Goof dhankeedoo
Iyo bishmaha guudkuud
iyo Been G’o lagu deday: 
Hal-ku-dhagga Heestan cusub oo ujeeddadeeda Caashaq ama Jacayl iyo inay nuxur kale oo jacayl ka qaro-wayn siddo ay dad badani kala sufayn kari waayeen ama ku adkaatay, waxa uu yahay ‘Been Go Lagu Deday’!
Hore ayaa loo yidhi; ‘wax hallaguu sheego ee maankaaga la kaasho,’ sidaa awgeed annaguna fasiri mayno ee qof weliba maankiisa iyo maskaxdiisa halla kaashado. Waxaana heestaas oo aad ka wada heli doontaan aannu idiinku soo gudbinaynaa halkan hoose ee AFTAHANNEWS/Radio and Vedio o aad kaga bogan kartaan, ee Dhegaysi Wacan:-

Hase-yeeshee, Abwaanka Curiyey ama Hal-abuuray Heestan miisaanka Erayadeeda dhinacyada kala duwan loo qaaday Sidiiq Maxamed Burmad, ayaa isagu fasiray nuxurka iyo dulucda ujeeddada uu Heestan u sameeyey ama waxa ku dhaliyey.

“Waa Hees soo baxday codka iyo Fannaanka Maxamed BK, iyo tumista Axmed-weli Furinle. Qof aad jeceshahay xidhiidhna kula oggol oo laga yaabo in dhawr sano aad wada socoteenba, balse afka mooyee aan uurka 1% oo jacayla kuugu hayn maxaad ku garataa? Muxuuse xidhiidhkaaga u ogol yahay? Ooo muxuu kaa rabaa kol hadaanu kuba jeclayn? Muxuu runta kuugu sheegi waayay.” sidaa ayuu yidhi Abwaan Sidiiq oo Bartiisa uu ku leeyahay Shabakadda Facebook ku qoray qoraal kooban oo uu ku sharraxay ujeedka Heestan cusub.

Waxaanu Abwaan Sidiiq M. Burmad oo sii wada qoraalka uu Facebook barta uu ku leeyahay ku baahiyey ee uu Aftahannews ka soo xigtay ku yidhi mar kale sidan:- “Kollay isku jawaabo dadku ka bixin maayaaane, Anigu xaaladdan oo kale markii la iiga sheekeeyay erayada heestan ayaan ka idhi. Qofkanna waxaan u arkay mid qof u dhibaataysan maaweelo ka dhiganaya, ficillada kasoo baxaana waa hanjabaad haddaad hadasho, oo waa saxsane haddii iyo haddiiba, oo waa oo waa oo waa ….. Markaa, meesha xidhiidh jacayl ma jiree waa gumaysi!.”

Dadku inta badan markay maqlaan curin cusub oo Suugaaneed sida Gabay, Maanso/Hees, Geeraar ama Masrixiyad faneed ka soo burqaday Maskax Abwaan, Hal-abuur ama Suugaanyahan, waxa dhacda in falanqayn ay ka sameeyaan, isla markaana aragtiyo kala duwan ka bixiyaan ama u turjuntaan si kale oo ay ka dhex arkaan ujeeddo ka durugsan ama ka duwan maxsuulka uu Abwaanku ula jeedo ama qisada Sheekada uu wax ka hal-abuuray ama ka hadlay.

Taasina waxay keentaa in dadku inta badan ujeeddo kale u fahmaan marka siday ahayd ama waxay u socotay wax ka duwan loo turjumo oo fasiraadda Abwaanka-ba ay ka dheerayso sida bulshada in ka mid ahi u fahantay bilawgeeda oo ay fahnkoodaas iyaguna sii faafiyaan.

Hase-yeeshee, waxa habboon sidan oo kale in Abwaanku marka wax ka soo noqdaan curintiisa uu Bulshadiisa u fasiro ama fahansiiyo nuxurka lama dhaafaanka ah ee qisada sheekada ku kalliftay habaynta hummaagyada uu dareen ahaan ku sifeeyey dhacdada dhabta ah.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.