Hargeysa: Booliska oo soo qabtay Eedaysane toogtay Sarkaal dawladda u shaqaynayay

Hargeysa(Aftahannews):- Ciidammada ammaanka Somaliland, ayaa caawa gacanta ku soo dhigay nin ku eedaysay inuu maanta toogtay Madaxa Shaqaalaha Wakaaladda Korontada dawladda ee magaalada Hargeysa, sida uu Aftahannews u xaqiijiyey Sarkaal sare oo ka tirsan Saraakiisha Booliska Somaliland.

Booliska-Somaliland1

Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa caawa Aftahannews.com u xaqiijiyey inay ninka ku eedaysan inuu dilkaa geystay ay gacanta ku soo dhigeen xalay abbaaro tobankii habeennimo ee Saacadda Afrikada Bari, isla markaana lagu xidhay Xarunta Ciidammada baadhista Dembiyada C.I.D-da ee magaalada Hargeysa, isla markaana halkaas lagu baadhayo sababta uu toogashada u geystay.

Hese-yeeshee, Sarkaalkan Booliska ka tirsan ee Aftahannews soo xigatay ee caawa u xaqiijiyey inay ninkaa eedaysanaha ah soo qabteen, ayaa ka gaabsaday in la shaaciyo magiciisa iyo magaca eedaysanaha-ba.

Ninka Boolisku abbaaro tobankii habeennimo ee caawa ay gacanta ku soo dhigeen, ayaa ku eedaysan inuu toogtay Ilyaas Daa’uud Ibraahin oo ah Madaxa Shaqaalaha Wershadda Laydhka Dawladda ee Hargeysa, kaasoo maanta lagu toogtay Xaafada Geed-goble ee magaalada Hargeysa xilli uu shaqada ka rawaxay oo uu gurigiisa ku socday abbaaro kowdii duhurnimo ee saacadda Afrikada Bari.

Ninka eedaysanaha ah ayaa isagu maanta baxsaday markii uu toogashada fuliyey ka dib sida ay Aftahannews u xaqiijiyeen ehelada ninka la toogtay inuu baxsaday, isla markaana uu ka cararay Baabuur uu watay, kaasoo ay Boolisku isla maanta-ba soo kexeeyeen oo ay dhiggeen Saldhigga Booliska New Hargeysa ee Caasimadda Hargeysa.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.