Masuuliyiinta 3-da Xisbi ee Somaliland Maxay ka yidhaahdeen Heshiiska ay gaadheen?

Hargeysa(Aftahannews):- Masuuliyiinta Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE, ayaa shaaca ka qaaday inay soo afjareen muran iyo khilaaf bilihii u dambeeyey u dhexeeyey labada Xisbi Mucaarid oo dhinac ah iyo Xukuumadda iyo KULMIYE oo dhinac ah, isla markaana isla qaateen in Shirka Doodda Qaran oo Mucaaridku ku hawlanaayeen, Xukuumadda iyo Xisbigeeduna sas ka qabeen si wada-jir ah loo qaban doono.

KULANKA XISBIYADA 2

Madaxda Saddexda Xisbi oo kulankooda ka dib maanta Shir Jaraa’id ku qabtay xarunta Akaademiga Nabadda iyo horumarinta ee magaalada Hargeysa, waxay si isku mid ah ugu caddeeyeen inay isla qaateen in Shirka Dood Qaran ee mucaaridku qaban-qaabadiisa ku jiray ay Xisbiyadu si siman u wada qabtaan, isla markaana ay hoggaamintiisa yeelato Akaademiga Nabadda iyo horumarinta Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, oo ugu horreyn ka hadlay heshiiskan, waxa uu yidhi;  “Waxa ILAAHAY Mahaddii in saddexdii xisbi qaran ka heshiiyeen wixii la isku afgaran lahaa ee doodda ahaa, shirar dhowr cisho socday ka dib, waxaanu ku heshiinay wixii dood qaran ah ee danta qaranku ku jirto inaanu saddexda xisbi qaran ahaan si wada jir ah u qabano, akadamiyadduna ay noo ahaato ta hogaaminaysa dooddaa, meesheedana aanu ku qabano, si ay u noqoto dhexdhexaad.”

Muuse Biixi oo sharaxaya qodobbada lagu heshiiyey, waxa uu yidhi; “Waxaannu ku heshiinnay qodobbada aannu doonayno inaannu ka doodno, oo guud ahaantood ah laba qodob, ta koowaad waxa weeyaan inaannu ka heshiinno oo aannu qodobbo cadcad ka gaadhno doorashada Madaxwaynaha, iyo ta Baarlamaanka ee sannadka 2015-ka, ta Guurtida oo ku xigta inaannu ka saarno xal aannu ku midaysannahay saddexda Xisbiba, oo ah in doorashada xilligeedii lagu qabto, wixii hawlo ah ee ay u baahan tahayna aannu sii dhammayno.”

“Qodobka labaad ee aannu ka doodi doonnaa ee aannu isla garannay waxa weeyaan in ictiraaf-raadintii Somaliland iyo caalamka waxa Somaliland kaga maqan la raadiyo, inaannu wada jir arrintaana u eegno Annaga oo Qaran ah oo isku mid ahna aynu xuquuqda caalamiga ah adduunka ka doonanno. Waxaannu ku heshiinnay inaannu Xisbiyada isku horreyno oo aannu waxaasi dhammayno (Qodobbada lagu heshiiyey), ka bacdina dood Qaran oo aqoonyahan, waayo-arag iyo qof kasta oo wax hayaba aannu annagu gogosheeda dhammaystirno.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale, waxa isaguna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, waxaanu yidhi; “Go’aanka xisbiyada qaranku waa go’aan ay in badan sugayeen shacabku, laakiin waxa xisbiyada iyo shacabkaba farxad u ah inaynu isla ogollaanay inaynu ka doodno arrimaha ina hor yaala ee qaranku leeyahay.”

“Xisbiyadu baryahan way is-yar riix-riixayeen, laakiin waxaan u mahad-naqayaa Guddoomiyaha Xisbil-xaakimka iyo Maxamed Kaahin oo si furfurnaan iyo laab xaadhnaan ah hawsha dhinacooda wax badan uga qabtay. Waxaan shacabka ugu bushaaraynayaa in wixii dhammaystira ee Axsaabta ku dhimanna ay dhammaystirayaan, sida shirka loo socodsiinayo iyo wakhtiga la qabanayo waxaynu ka sugaynaa Akadamiyadda. Waxa kale oo aannu u mahad-naqayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo aannu shalay (dorraad) is-aragnay, hawshaasna aannu ka wadahadalnay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa isaguna is-fahamkan Xisbiyada dhex-maray dhiniciisa ka hadlay, waxaanu yidhi;  “ILLAAHAY-baa Mahad leh, dooddii Qaran waannu isla-garanay, ajandihiina waannu isla-garannay iyo ciddii qabanaysay,  cid dhexdhexaad ah ayaannu ka dhignay, waannu ka soo saarnay gacmahihii kale ee UCID, WADDANI iyo Madashii-ba. Waxaannu jecellahay intaan shirka la tagin saddexdayada Xisbi ahaan aannu kulanno oo aannu qodob qodob isu-dul-taagno annaga oo midaysan oo isku fikir ah inaannu shirka tagno.”

“Waxan aannu qabanaynaa maaha wax dan Xisbi ah, maaha wax cid lagu xumaynayo, waa wax dadkeenna u dan ah oo waaraa inay ka soo baxaan ayaannu doonaynaa inay ka soo baxaan dooddaa Qaran, taariikhda Somaliland-na way geli doontaa dooddaa Qaran, waayo?  Waa markii u horreysay ee aynu is-nidhaahno 22-kaa sannadood ee aynu joognay maxaa innaga xumaaday? Maxaynu yeellaa? Waxay noqoysaa bog cusub oo Dahab ah oo wax wanaagsani ka soo baxaan.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Ka sokow saddexda Guddoomiye ee Saddexda Xisbi Qaran, waxaa kulankaa maanta goob-joog ka ahaa, Musharraxa jagada Madexweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, Madaxweyne Ku-xigeenkii labaad ee Somaliland  Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ka tirsan Akaadamiga Nabadda iyo Hurumarka Somaliland, Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, Dr. Maxamed Fadal oo ka mid ah Xubnihii Guddida Qaban-qaabada Doodda Qaran ee Xisbiyada Mucaaridku hawshaa u xilsaareen laba bilood ka hor iyo xubno kale.

Is-afgaradkan dhex-maray labada Xisbi Mucaarid ee WADDANI, UCID oo isku dhinac ah iyo KULMIYE oo dhinaca Xukuumadda ah, ayaa ka dambeeyey kulan ay Arbacadii shalay Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyaha WADDAIN ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ay shalay ku wada-yeesheen xarunta Madaxtooyada, halkaasoo ay dood dheer iyo garnaqsi dhinacyo kala duwan ah ka dib Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ku aqbalay qabashada Shirka Doodda Qaran ee Mucaaridku waday Xukuumadda iyo Xisbigeeduna ka soo horjeedeen.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.