Raysal-wasaare Ku-xigeen aan Caasimaddiisa Dhex-mari karin oo dhex-dhexaadin u tagay Juba

Muqdisho(Aftahannews):- Raysal-wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka arrimaha dibedda oo aan ammaan-darro awgeed u dhex-mari karin Caasimadda dalkiisa Ciidammo Ajaanib ah oo ilaalinaya mooyee, ayaa ka qayb-qaadanaya deminta colaadda sii ballaadhanaysa ee toddobaadkan ka socotay waddanka Koonfurta Sudan.

131218232701_south_sudan_512x288_bbc_nocredit

Fowziyo-Yusuf

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ahna ku-xigeenka Raysal-wasaaraha kalsoonida lagala noqday ee aan weli xilka wareejin ee Soomaaliya, ayaa maanta ka dhooftay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ka dib safar ay kaga mid noqonayso shan Wasiir arrima-dibadeed oo ka socda dalalka ku bohoobay urur goboleedka IGAD oo warbixin ka keeni doona dagaallada maalintii afraad ka socda dalka Koonfurta Sudan oo xaaladiisu qasan tahay, kuwaasoo iyaguna isla maanta ka dhoofay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Wasiirka arrimaha Dibedda Soomaaliya Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo la hadashay warbaahinta intaanay ka dhoofin Garoonka Muqdisho, ayaa sheegtay inay ka mid tahay shan Wasiir arrimo-dibedeed oo dalalka IGAD u direen inay warbixin buuxda ka keenaan xaaladda Koonfurta Sudan oo ay dagaallo ka socdaan. Waxaanay intaa ku dartay inay jiraan dad Soomaali ah oo ka ganacsada Caasimadda Jubba ee Koonfurta Sudan oo dagaalladaasi ay saamayn ku yeesheen oo iyagana ay xaaladdooda ka war-dooni doonto, isla markaana ay la kulmi doonto.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo immika xilka Wasiirnimo si ku-meel-gaadh ah u haysa ka dib markii kalsoonida  Baarlamaanku kala noqdeen Xukuumaddii Saacid ee ay ka tirsanayd, ayaa tilmaantay safarka ay ku tegayso magaalada Jubba inuu yahay kii ugu khatra badnaa ee ay abid gasho.

Jabhadda daacadda u ah Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dalka Koonfurta Sudan Riek Machar, ayaa qabsaday magaalada Bor ee magaalo madaxda gobolka Jonglei. Madaxweynuhu ku eedeeyey inuu abaabulay afgembi Millaterigu fashiliyey, inkastoo uu beeniyey inuu in-qailaab isku dayey. Haddana Jabhadda taageerta, ayaa sii wada dagaalka. Waxaana waddankaas ka bilaabmay barakaca kumanaan qoys oo ka qaxaya goobaha dagaalku ka socdo.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.