Mukhtaar Roobow oo shuruud adag ku xdhay heshiis uu la galo Axmed Cabdi Godane

Bakool(Aftahannews):- Mukhtaar Roobow(Abuu Mansuur),ayaa la sheegay inuu ku gacan saydhay ergo uga timi dhanka hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane oo ka dalbaday Roobow inay wada hadlaan isla markaana ay khilaafka dhexdooda ku dhamaystaan wada hadal.

 Hoggaamiyahakooxda Al-Shabaab,ayaa kulan ay wada yeesheen masuuliyiinta kooxdiisa ka dib ergo u diray Mukhtaar Roobow oo la sheegay inuu ku sugan yahay meel ka mid ah gobolada Bay iyo Bakool oo aan la magacaabin halka ay tahay,ergada uu diray hor-jooge Axmed Cabdi Godane,ayaa la sheegay inuu   hoggaaminayay Fuaad Shangoolle oo ka mid ah masuuliyiinta ugu sarraysa kooxda Al-Shabaab.

Sheekh Fu,aad shangoolle ayaa la sheegay inuu kulan kula yeeshay miyiga gobolada Bay iyo Bakool meel ka mid ah Mukhtaar Roobow oo imika falaago ah kooxdiisii hore ee Al-Shabaab isla markaana uu u soo ban dhigay inuu wada hadal-siiyo  Mukhtaar Roobow iyo Axmed Cabdi Godane  oo  uu isu-geeyo laakiin waxay waraku intaa ku darayaan in Mukhtaar Roobow uu arrintaa ku gacan saydhay isla markaana uu soo dhigay shuruudo adag oo la sheegay inaanay u cuntamayn hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab.

Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur),ayaa dhankiisa Sheekh Shangoolle u sheegay inuu la hadli karo oo kaliya marka uu ka toobad keeno dilka uu Hoggaamiye godane ku fuliyay sida uu sheegay culimo waawayn oo ka tirsan mujaahidiinta isla markaana uu ka dego xilka madaxtinimadda  Al-Shabaab.

Shuruuda uu ku xidhay Mukhtaar Roobow wada hadal dhex mara Axmed Cabdi Godane,ayaa la sheegay inay tahay mid sii  fogaynaysa heshiis dhex mara Hoggaamiyaha Al-Shabaab iyo Afhayeenkii hore ee kooxdaas oo imika fallaago ka ah gudaha Al-Shabaab.

Warkan oo ay baahisay shabakada wararka  RASMINEWS ee taageerta Mukhtaar Roobow,ayaa go,aanka Roobow ku tilmaantay mid geesinomo leh oo uu ku diiday inuu hrshiis la galo hoggaamiye Axmed Cabdi Godane.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland