Sarkaal Ka Tirsan Wershadda Laydhka Dawladda ee Hargeysa oo La Toogtay

Hargeysa(Aftahannews):- Sarkaal ka rirsan Wershadda Laydhka Dawladda ee Hargeysa,ayaa maanta abbaaro kowdii duhurnimo lagu toogtay xaafadda geed goble e magaalada Hargeysa  ka dib markii niman aan wali la aqoonsan oo baastooladu ku hubaysani ay joojiyeen gaadhigii uu watay isla markaana ay ku hor jareen gaadhi kale.

Ilyaas Daa,uud Ibraahin Madaxa Shaqaalaha Wershadda Laydhka  Dawladda ee Hargeysa.ayaa maanta  lagu topogtay xaafada Geed-goble ee magaalada Hargeysa  xilli uu shaqada ka soo rawaxay oo uu gurigiisa ku socday abbaaro kowdii duhurnimo xilliga wakhtiga Hargeysa.

Ehelada Ilsyaas Daa,uud oo waraysi gaara ka siiyay wariye ka tirsan Aftahannews oo dhakhtarka kula kulmay ayaa noo xaqiijiyay toogashada lagula kacay,ayaa sheegay inaan illaa imika la hayn ninkii falka geystay ee Ilyaas xabbadda ku dhuftay,waxaanay intaa ku dareen in imika xaaladiisa caafimaad roontahay isla markaana lagu samaynayo Qalliin oo lagu dawynayo Cisbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa.

Ilyaas ayay eheladiisu sheegeen in laba xabadood ay kaga dhaceen daanka,kuwaas oo aan hoos u galin laakiin sida ay sheegeen jiidheeyay lafna aan jabin.

Madaxa Shaqaalaha Wershadda Laydhka Dawladda ee Hargeysa,ayaa la sheegay in ninkii toogtay ay raadinayaan ciidanka Boolisku isla markaana ay hayaan gaadhigii uu watay oo uu ka cararay markii  uu Ilyaas toogtay,kaasoo ay boolisku dhigeen saldhigga Booliska ee New-Hargeysa.

Ehelada sarkaalka toogashada lagu dhaawacay,ayaa sheegay inaanay garanayn sababta loo beegsaday iyo ujeedadda loo toogtay midna isla markaana falkan ku tilmaamay mid argagixiso oo lagu weeraray Ilyaas lana doonayay in lagu dilo balse illaahay ka badbaadiyay geeri

Dhanka booliska  oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiinno toogashada maanta ka dhacday Hargeysa,ayaanay noo suurto galin inaannu helnaa ka dib markii masuuliyiinta boolisku naga qaban waayeen Taleefannadooda gacanta.

 Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland