KULMIYE oo Xisbiyada Mucaaridka ah la qaatay qabashada Shirka Dood Qaran oo uu ka soo horjeeday

Hargeysa(Aftahannews):- Masuuliyiinta Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE, ayaa shaaca ka qaaday inay soo afjareen muran iyo khilaaf bilihii u dambeeyey u dhexeeyey labada Xisbi Mucaarid oo dhinac ah iyo Xukuumadda iyo KULMIYE oo dhinac ah, isla markaana isla qaateen in Shirka Doodda Qaran oo Mucaaridku ku hawlanaayeen, Xukuumadda iyo Xisbigeeduna sas ka qabeen si wada-jir ah loo qaban doono.

kkulan

Eng. Faysal Cali Waraabe oo ah Guddoomiyaha UCID, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ah Guddoomiyaha WADDANI iyo Muuse Biixi Cabdi oo ah Guddoomiyaha KULMIYE iyo Masuuliyiin kale oo Saddexda Xisbi ka kala tirsan, ayaa kulan ay ku yeesheen Xarunta Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland, waxay si wada-jir ah ugu shaaciyeen inay soo afjareen murankii u dhexeeyey, isla markaana isla qaateen saddexda Xisbi inay si wada-jir ah u qabtaan Shirka Doodda Qaran ee Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE ku tilmaameen Qaran-dumis shalay ka hor.

Masuuliyiintan Saddexda Xisbi oo kulankooda ka dib maanta shir Jaraa’id ku qabtay xarunta Akaademiga Nabadda iyo horumarinta ee magaalada Hargeysa, waxay si isku mid ah ugu caddeeyeen inay isla qaateen in Shirka Dood Qaran ee mucaaridku qaban-qaabadiisa ku jiray ay Xisbiyadu si siman u wada qabtaan, isla markaana ay hoggaamintiisa yeelato Akaademiga Nabadda iyo horumarinta Somaliland.

Ka sokow saddexda Guddoomiye ee Saddexda Xisbi Qaran, waxaa kulankaa goob-joog ka ahaa, Musharraxa jagada Madexweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, Madaxweyne Ku-xigeenkii labaad ee Somaliland  Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ka tirsan Akaadamiga Nabadda iyo Hurumarka Somaliland, Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, Dr. Maxamed Fadal oo ka mid ah Xubnihii Guddida Qaban-qaabada Doodda Qaran ee Xisbiyada Mucaaridku hawshaa u xilsaareen laba bilood ka hor iyo xubno kale.

Is-afgaradkan dhex-maray labada Xisbi Mucaarid ee WADDANI, UCID oo isku dhinac ah iyo KULMIYE oo dhinaca Xukuumadda ah, ayaa ka dambeeyey kulan ay shalay Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyaha WADDAIN ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ay shalay ku wada-yeesheen xarunta Madaxtooyada, halkaasoo ay dood dheer iyo garnaqsi dhinacyo kala duwan ah ka dib Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ku aqbalay qabashada Shirka Doodda Qaran ee Mucaaridku waday Xukuumadda iyo Xisbigeeduna ka soo horjeedeen.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.