Dagaallada Juba oo sii socda iyo Dawlado shaaciyey inay dadkooda kala baxayaan

Nairobi(Aftahannews):- Iyadoo ay weli sii socdaan dagaallada iyo iska-hor-imaadyada ka hubaysan ee Caasimadda Koonfurta Sudan ee Juba ka socda, ayay dawladda Kenyna shaaca ka qaadday inay Muwaaddiniinteeda dalkaas ka jooga kala soo baxayso.

Amina-Mohamed-nominee-for-the-post-of-Cabinet-Secretary-Foreign-Affairs-ministry-acknowlegdes-her-nomination-on-Apr

Xukuumadda Kenya, ayaa maanta shaacisay in si nabadgalyo ah ay Muwaaddiniintooda ku sugan dalka Koonfurta Sudan uga soo saarayaan, ka dib markii ay dalkaas ka curteen dagaallo u dhexeeya Ciidamada dalkaas oo hab beeleed u abaabulan.

Wasiiradda arrimaha dibadda ee Kenya, Aamina Maxamed ayaa maanta oo Khamiis ah sheegtay in Koonfurta Suudaan ay u direen gaadiid soo qaada muwaadiniintooda dalkaas ku sugan.

“Dalka Koonfurta Suudaan waxaan u dirnay 15 bas oo sii mari doona dalka Uganda, kuwaasoo lagu soo daad-gureyn doono muwaadiniinteeda halkaas ku sugan,” ayay tiri Aamino Maxamed.

Sidoo kale, wasiiraddu waxay hadalkeeda ku dartay in afar qof oo Kenyan ah ay ku dhaawacmeen dagaalladii maalmihii lasoo dhaafay ka socday xarunta dalkaas ee Jubba, iyadoo sheegtay in dadkaas la dhigay isbitaallo hadda lagu daweynayo ayna kasoo qaadi doonaan.

“Xukuumaddu waxay soo qaadi doontaa oo keliya kuwa doonaya inay dalka dib ugu soo laabtaan. Waxaana lagu wadaa in maanta ay keento diyaarad laga leeyahay Kenya oo tagaysa Jubba muwaadiniinta Kenyanka ah,” ayay hadalkeeda raacisay.

Hadalka wasiiradda arrimaha dibadda Kenya ayaa kusoo beegmaya xilli ay maalmihii lasoo dhaafay dagaallo culus ka dhacayeen magaalada Jubba ee xarunta u ah dalka Koonfurta Suudaan, halkaasoo uu ka dilaacay dagaal u dhexeeya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dalkaas.

Dalka Koonfurta Suudaan ayaa waxaa ku nool ajaanib fara badan oo ay ka mid yihiin Soomaali, kuwaasoo ku haysta ganacsiyo iyo shaqooyin kala duwan, iyadoo lagu dilay dalkaas muwaadin Soomaaliyeed oo dukaan ku lahaa Jubba.

Kenya ayaa noqonaysa dalkii ugu horreeyay oo Afrikaan ah oo shaaciya in ay muwaadiniintooda kala soo baxayaan Koonfurta Suudaan, iyadoo uusan jirin dal kale oo ku dhawaaqay inuu dadkiisa kala soo baxayo Koonfurta Suudaan.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.