Madaxweyne Siilaanyo oo aqbalay qabashada Shirka Dood Qaran oo uu sas ka qabay

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la sheegay inuu markii ugu horraysay aqbalay qabashada Shirka Doodda Qaran ee ay Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI hore ugu baaqeen, kaasoo ay Madaxxweynaha iyo Xukuumaddiisu si weyn uga soo horjeesteen, isla markaana ku tilmaameen Qaran-dumisnimo.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Aqbalaadda Madaxweyne Siilaanyo ee qabashada Shirka Doodda Qaran ee Mucaaridku wado qaban-qaabadiisa oo ay Xukuumaddu sas ka qaadday, ayaa ka dambaysay kulan ay maanta xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa ku wada-yeesheen Madaxweynahe Axmed-Siilaanyo, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) iyo Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (X. Cabdi-Waraabe).

Kulankaas oo ahaa kulan laba geesood ah, ayay ka Odayeeyeen Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Odayga Somaliland Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf, isla markaana waxay ku guulaysteen inay is-hor-fadhiisiyaan Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Cirro, kuwaasoo la sheegay inay kulankaa kaga wadahadleen arrimo kala duwan oo dhawr ah.

Ma jiro war rasmi ah oo ay Madaxtooyada iyo dhinacyada kale ka soo saareen natiijada kulankaas, hase-yeeshee, ila-wareedyo kulanka si dhaw ula socday, ayaa Shabakadda wararka ee Aftahannews u xaqiijiyey in Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Cirro qodobbo kala duwan oo dhawr ah ka wadahadleen, kuwaasoo warku sheegay inay ugu muhiimsanaa qodob ay aad marka hore ugu kala fogaayeen oo ah qabashada Shirka Doodda Qaran ee ay Labada Xisbi Mucaarid ku hawlan yihiin.

“Madaxweynuhu waxa uu Guddoomiye Cirro ka dalbaday in la joojiyo qabashada Shirka Doodda Qaran ee labada Xisbi wadaan, hase ahaatee, Guddoomiye Cirro wuu ka diiday, waxaanu dhiniciisa ku dooday in Shirkaas Doodda Qaran la qabanayo, isla markaana wax dhibaato ah oo uu dalka iyo dalka u leeyahay jirin, nabadgelyadana nin isaga ka jeceli aanu jirin oo uu yahay nin u taagan inuu qaab nabadgelyo iyo dimuquraaddiyad ah kursiga Siilaanyo fadhiyo ku gaadho haddii Illaahay u qoray. Sidaa awgeed, aanu jirin nin maanta Somaliland uga lexejeclo badani sida uu ku dooday.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah ila-wareedyada ay Aftahannews warkan ka heshay ee sida dhaw ula socday kulanka Madaxweynaha iyo Guddoomiye Cirro la isugu geeyey maanta.

Warku waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Markaa, waxa uu u soo jeediyey Cirro Madaxweynaha inuu aqbalo qabashada shirkaas, isla markaana Wakiillo goob-joog uga ahaada u soo dirto oo ay Xukuumadda ku casuumayaan, si ay ula socdaan nuxurka Doodda Qaran, waxa ay lid u arkaanna isla madasha ugaga jawaabaan. Markaa, ka dib kolkii dhinacyo badan wax la iska tusay, Madaxweyne Siilaanyo wuu aqbalay qabashada Shirka Doodda Qaran, hase-yeeshee, waxa uu codsaday in Ajandaha Shirkaas loo soo gudbiyo si uu u sii eego, balse uu aqbalay qabashadiisa. Codsigaasna wuu aqbalay Guddoomiye Cirro.”

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha WADDANI Md. Cabdiraxmaan-Cirro iyo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo oo ay dhex-dhexaadinayeen Guddoomiyaha Guurtida Md. Saleebaan iyo Xaaji Cabdi-Waraabe, ayaa waxay ku ballameen inay isula soo noqdaan qodobbada Ajandaha Shirka Doodda Qaran ee ay Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI wada-qabanayaan oo ay Xukuumaddu cambaarayn hore ula daba-taagnayd.

Waa markii ugu horreysay ee ay Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiye Cirro kulankan oo kale kaga wadahadlaan Shirka Doodda Qaran, isla markaana la sheego inuu Madaxweynuhu aqbalay qabashada shirkaas.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.