Madaxa Cusbitaalka Fiqi oo ka hadlay Dilka Dhakhaatiir u shaqaynayey oo lagu dilay Muqdisho

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxa Cisbitaalka Fiqi ee magaalada Muqdisho Dr. Cabdiraxmaan Macallin Fiqi oo Cusbitaalka uu Madaxda ka yahay ay ka shaqaynayeen saddex Dhakhtar oo Suuriyaan ah iyo Dhaqtar Soomaali ah oo maanta lagu dilay deegaanka Siinka dheer ee duleedka Koonfureed ee Muqdisho, ayaa sheegay inaanay jirin wax hanjabaad iyo daba-socod ah oo Dhakhaatiiirtaa lagu hayay dilkooda ka hor.

Dhakhaatiirta_lagu_dilay_Somalia

Dr. C/raxmaan Macallin Fiqi waxa uu sheegay inay laba bilood oo keliya ay la shaqeynayeen Dhakhaatiirta ajaanibka ah ee maanta la dilay, isla markaana ay howlo caafimaad oo badan qabteen intii ay Cisbitaalkan howlaha caafimaad ka wadeen.

“Saddexda dhakhtar ee Suuriyaanka ah waxay ka howlgeli jireen isbitaalka Fiqi, waxayna ahaayeen kuwo takhasusaadkoodu ay kala ahaayeen, cunaha, afka iyo dhegaha, kilyaha iyo haweenka, waxayna isbitaalka imaan jireen labadii maalmoodba mar.” Sidaa ayuu yidhi Dr. Cabdiraxmaan Fiqi.

Dr. Fiqi waxa uu xusay in Cisbitaalka uu howlihiisa sii wadi doono, kooxo yar oo dhibaatooyin waddana aanu howlihiisa u joojin doonin. Sidoo kale, Dr. Fiqi, ayaa sheegay inaanay filayn in Dhakhaatiir Muslimiin ah oo dalkan u yimid inay caawiyaan shacabka Soomaaliyeed la dilli doono, isagoo dilkaas ku tilmaamay dilkan mid axmaqnimo ah oo loo geystay dhakhaatiir Soomaaiya u joogay inay caawiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Duniyo Maxamed Cali oo ka mid ah mas’uuliyiinta Isbitaalka Madiina ayaa ka hadashay dilka dhakhaatiirtan iyadoo sheegtay inay howlo lagu qalayay dad Soomaali ah u adeen isbitaal ku yaalla duleedka Muqdisho, waxaana leennahay intii dhimatay ilaahay ha u naxariisto mana jirto wax kale oo aan ku saa’idinayno.

Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeyso dilka dhakhaartiirtan Soomaalida iyo Suuriyaanka isugu jirta; waxaana Afhayeen u hadlay kooxda Al-shabaab uu sheegay inaanay xoogaggoodu fulin dilka Dhakhaatiirtaas, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo Muqdisho lagu dilo Dhakhaartiir Suuriyaan ah oo dhaawaanahan kusoo badanayay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dilka Dhakhaartiirtan ayaa kusoo beegmaya xilli toddobaadyo ka hor ay Muqdisho ku toogteen kooxo hubeysani Gabadh u dhalatay waddanka Uganda oo Macallimad ka ahayd Jaamacadda Soomaaliya oo ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla Muqdisho.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.