Magaca Wiil Soomaali ah oo lagu dilay Juba iyo cabsidda Ajaanibka oo korodhay

Jubba(Aftahannews):- Ugu yaraan toddobaataneeyo ruux oo isugu jira Lixdan Askari iyo dad rayid ah oo uu Wiil Soomaali ahi ka mid yahay, ayaa ku dhintay Dagaallo labadii maalmood ee u dambeeyey ka socday magaalada Juba ee Caasimadda Koonfurta Sudan, kuwaasoo ka dhashay inqilaab ama afgembi fashilmay oo uu isku dayey inuu Madaxweynaha dalkaas ku rido Madaxweyne Ku-xigeenkiisii oo uu dhawaan xilka ka qaaday.

120423130308_jp_sudan304x171_nocredit

Wararka ka imanaya Caasimadda Koonfurta Sudan ee Jubba, ayaa sheegaya in xalay Ciidammo Hubeysan ay gudaha magaaladaas ku toogteen Wiil dhalinyaro Soomaali ah oo ku sugnaa goob ganacsi. Warku wuxu sheegay in Marxuunka la dilay oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa la sheegay in xilli uu hor-fadhiyay goob ganacsi oo uu ka shaqeenayay Ciidammo Hubeysani oo ka tirsan kuwa ku dagaallamaya magaaladaasi ay ku amreen in Dukaanka uu furo si ay wax uga iibsadaan, balse uu ka dhaga-adeegday isaga oo ka baqanayay in ay boobaan, ka dibna ay si badheedh ah u toogteen.

Goob-jooge ku sugannaa goobta Wiilkaa lagu dilay ee gudaha Caasimadda Juba, ayaa sheegay in muran ka dib Ciidammadu ay rasaas ku fureen Wiilka Soomaaliga ah, sidaasna uu ku geeriyoday.

Dad badan oo Soomaali ah oo ay ka mid yihiin dad Somaliland u dhashay oo qaabab kala duwan oo Ganacsigu ugu badan yahay kaga shaqaysta dalka Koonfurta Sudan, gaar ahaan Caasimadda Jubba, ayaa la sheegay in werwer iyo cabsi xooggani soo food-saartay, ka dib markii dilkani dhacay, isla markaana labadii maalmood iyo labadii habeen ee u dambeeyey ay halkaa ka socdeen dagaallo u dhexeeya Ciidammo Millateriga dalkaas ka tirsan iyo kuwo ka soo horjeeda oo taageera Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dalkaas oo ku fashilmay inqilaab uu doonayey inuu awood Millateri kursiga kaga tuuro Madaxweyne Ku-xigeenka Koonfurta Sudan.

Geesta kale, ugu yaraan lixdan Askari ayaa ku dhintay iska hor-imaadyadaas iyo dad badan oo shacab ah, halka dhaawacyaduna ay intaa ka sii badan yihiin, sida laga soo xigtay Dakhtar ka shaqeeya Cisbitaal ay leeyihiin Ciidammada Millateriga dawladda Koonfurta Sudan. Magaalada waxaa laga maqlayay israsaasayn maalin ka dib markii Madaxweynaha dalkaasi sheegay inay fashiliyeen afgembi uu isku-dayey Ku-xigeenkiisii uu shaqada ka eryey.

Waxaa jiro warar sheegaya in hub culus la is weydaarsaday Salaasadii shalay, ku dhawaad 24 saacadood ka dib markii uu Madaxweyne Salfa Kiir sheegay in dowladdu gacanta ku hayso Juba.

Madaxweynaha ayaa hore u sheegay in Millateriga dalkaasi uu fashiliyay afgembi uu qabanqaabiyay mid ka mida Ragga ay siyaasadda isku hayaan. Waxaa uu eedda dusha uga tuuray Madaxweyne Ku-xigeenkii hore Riyek Mashaar.

Qaramada Midoobay ayaa walwal ka muujisay arrintaas, waxayna ugu baaqday dhammaan dhinacyada halkaas isku hayo inay isxakameeyaan. Kumanaan ruux ayaa gabbaad ka dhigtay xarunta Qaramada Midoobay ku leedahay Juba.

Beelaha Dinka iyo Nuweer: Koonfurta Sudan ayaa xornimadeeda ka qaadatay Sudan-ta kale sannadkii 2011-ka, ka dib tonbanaan sano oo labada dhinac ay dagaallamayeen. Xiisad ayaa ka aloosnayd dalkaas tan iyo markii Madaxweyne Salfa Kiir Mayardit uu xilka ka qaaday Madaxweyne Ku-xigeenkiisii hore Riyek Mashar.

Mashar ayaa hore u sheegay inuu doonayay inuu Kiir kula tartamo doorashada Madaxweynenimo ee la qaban doono sannadka 2015-ka. Mashar ayaa ka soo jeeda qabiilka Nuweer ee ku eedeeyo qabiilka Kiir ee Dinka inay talada isku koobeen.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.