Muxuu Daarran Yahay Xadhigga Hoggaanka Caafimaadka Booliska Somaliland?

Muxuu Daarran Yahay Xadhigga Hoggaanka Caafimaadka Booliska Somaliland Dr. Maxamed Cali Oday?

9-kii bishii November ee sannadkan sii dhamaanaya wakhti barqo ah, ayaa waxa ka dhacay magaalada Hargeysa fal lagu weeraray Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE Muj. Maxamed Kaahin, kaasoo ay dadweynaha reer Somaliland aad uga xumaadeen.

1484804_614604808598196_290399303_n

Ciidammadda booliska ayaa intaa kadib xidhay dad ay ku jiraan Oday Xaashi Muuse oo ka mid ah dadka sharafta iyo karaamada ku leh Somaliland, kaasoo muddo dheer ku xidhnaa magaalada Hargeysa, kaasoo markii uu xidhnaa muddo bil iyo dheeraad ah la sii daayay iyadoo aan loo sheegin sababta uu u xidhan yahay iyo cidda xidhay toona.

Laga bilaabo dhacdadii foosha xumeyd ee lagula kacay Muj. Maxamed Kaahin, waxa uu Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdilaahi Falad Iimaan ku fashilmay inuu dhacdadaa siday ahayd u baadho sharcigana hor keeno cidkasta oo lug ku lahayd, taa beddelkeedana wuxuu xidhay dad kale oo dalka iyo dadkaba sharaf ku dhex leh oo aan arrintaa wax lug ah ku lahayn, kuwaasoo aan illaa hadda la garanayn ujeedada rasmiga ah ee ay u xidhan yihiin,kuwaasoo ay dadku u arkaan in lagu marin habaabinayo doondoonka ciddii ka dambaysay ama fulisay dhacdadaas.

Waxa dadkaas ku jira Hogaanka Caafimaadka booliska Somaliland  Dr.Maxamed Cali Oday

Inta aanan u guda gelin qoraalkaygan, bal aan taxo dhawr su’aalood oo aan gundhig uga dhigi doono qoraalkaygan oo , xambaarsana nuxur faro badan:

1. Ma xeer baa oo sharci ahaan ayuu ku xidhanyahay Dr.Maxamed Cali Oday?

2. Xadhiga Hoggaanka caafimaadku ma waxa lagu xallinayaa gefkii laga galay Muj. Maxamed Kaahin oo la leeyahay Hoggaanku waa mid ka soo jeeda beesha falka geysatay?

3. Ma xil dhowrasho uu samaynayo Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland oo uu tusayo xukuumadda iyo xisbiga KulmiyE-ba in dad badan u xidh-xidhan yihiin baa?

4. Ma xujo iyo xin siyaasi baa oo waxa lagu qiranayaa Siyaasiyiin badan oo si cad ugu lug leh dhacdadaa?

Waxa illaa hadda aan caddayn xaaladaha ku xeeran xadhiga Hoggaanka Caafimaadka, waxaana sida uu dhigayo Dastuurkeena Qaranka Somaliland oo ah sharciga dalka ugu sarreeya (Supreme law of the nation) qodobkiisa 27(2) dhigayaa in qofka loo xidho fal-danbiyeed lagu eedeeyey awgeed la horgeeyo maxkamad 48 saacadood gudoohood lana ogeysiiyo sababta xadhiggiisan, maxkamadna laga soo xaleeleeyo xadhigiisa inta ay dacwadu furmayso. Haddaba ilaa muddada ka soo bilaabmaysa 10-ka November oo ah wakhtigii la xidhay Dr. Oday oo ay ka soo wareegtay bil iyo dheeraad cidna may horgeyn Maxkamad noocnaba loomana sheegin ujeedada xadhiggiisa ee uu ku eedaysanyahay!!!. Taas macnaheedu waxay tahay in xadhigga Hoggaanka Caafimaadku uu xaaraan yahay, sida ku cad qodobka 25(1) ee Dastuurka oo leh qofna si aan wafaqsanayn sharciga xorriyadda loogama qaadi karo.

Jawaabta su’aasha labaad, marka aynu eegno, waxa aan qabaa inay maya tahay oo aynu dhaafnay wakhtigii jaahiliyadda ahayd ee la odhan jiray dembiilaha odayaasha reerkiisa ha loo qabto, oo qodobka 26 (2) ayaa dhigaya in aan qofna la saari karin masuuliyadda dembi qof kale leeyahey. Laakiin haddii wali lagu sii jiro casru-jaahiligii xattaa Hogaanku maaha odey beeleedyada xalka noqon lahaa, ee waa masuul xil ka haya ciidamada booliska Somaliland. 

Haddaba hadii aanay xeer iyo xal ahayn ma xujo iyo xin siyaasi baa, oo ah su’aasheena saddexaad, jawaabteedu waxay tahay dhacdadan waxa xidhiidh la leh sida ay ku timid iyo sida ay ku dhacdayba Siyaasiyiin ka tirsan isla xisbiga Kulmiye, kuwaasi oo ah kuwa warka u kala qaaday, sababtana u ahaa in xumaantaasi dhalato. Haddaba xadhigga Hogaanka ma xujo siyaasiyiintaasi ka danbeeyaanbaa oo ay dhamacsan yihiin in indhuhu qabtaan korneyl xidhan iyaguna hadal hayntii la hadal hayn lahaa ay halkaasi ku hadho. Jawaabta akhristeyaasha ayaan u dhaafayaa.

Su’aasheena u dambaysa ee ah, xadhigga hoggaanku ma xil dhowre Taliyaha Ciidanka ahbaa oo waxa ay asturnaan u noqonaysaa Taliyaha ku guul daraystay inuu soo qabto dhamaan ka qayb galayaashii dhacadada, oo waxa uu Taliyuhu ku gabbanayaa xadhigga Hogaanka una arkayaa inay ka caawinayso inuu xilka sii hayo!!! Jawaabta su’aashanna akhristeyaasha ayaan u daynayaa.

Gebogebadii waa wax laga murugoodo, muwaadin, dhakhtar iyo gaashaanle sare oo xadhiggiisu caddaalad darro yahay, taasi waxa ay muujinaysaa caddaalad xumo, waayo waa kii carabku yidhi “Lowkaana nuurakum hadaa fakeyfa kaana dulaamakum”  oo ah haddii madaxdii walibana dawladda ka tirsanayd lagula dhaqmayo caddaalad darradaas iyo xadhig xaaraan ah, talow maxay ku sugan yihiin dadka masaakiinta ah ee kale.

Illaahay baa caadil ah

Qore:- Mullaaxo Maxamed Cali Odey.

Hargeysa/Somalilnad.