Marwada 1-aad oo Wefti Wasiirro ah u hoggaamisay Sallaxlay oo ay Deeq gaadhsiiyeen

Sallaxlay(Aftahannews):- Marwadda Koowaad Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde oo ay weheliyaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, ayaa maanta Baabuur Ambalaas ah oo bisha cas ee Imaaraadku ku deeqday iyo Gaadhi Raashin, Buskud iyo Busteyaal isugu jira guddoon siisay Cisbitaalka iyo dugsiga Boodhinka ah ee degmada Sallexley.

IMG_0042

IMG_0046

IMG_0065

IMG_0074

IMG_0072

IMG_0094-1

IMG_0013

Waxa kale ee Marwadda iyo Wasiirraddu ay ku wareejiyeen Gudiga Horumarinta degmadda Sallaxley lacag dhan saddex kun oo Dollar oo Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ugu tallo-galay in labada bilood ee soo socda lagu daryeelo ardayda ku jirta dugsiga boodhinka ah ee Sallaxley.

IMG_0092

Xaflad loo sameeyay gudoon-siinta deeqdaasi oo lagu qabtay xarunta cisbitaalka degmadaasi waxa kale oo ka soo qeyb galay Wasiirrada Warfaafinta, Waxbarashadda, Wasiirul dawlaha Madaxtooyadda, Wasiir Ku xigeenka caafimaadka, Guddoomiyaha Golaha dhexe ee KULMIYE, Agaasimeyaasha Guud ee wasaaradaha Ciyaaraha iyo xanaanadda xoolaha, madax-dhaqameed iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir oo xafladaasi hadal ka jeediyay ayaa ka waramay dedaalka xukuumadda ee ku wajahan horumarinta degmadda Sallaxley waxaanu yidhi “Shirkadii Cisbitaalka Sallaxley dhistay iyadaa ayaa dayrka dhakhtarkana dhisaysa, waxaan marka hore u mahad naqayaa guddo iyo dibadba dhalinyaradda ururka Gaaroodi oo muddo 13 sanadood ah gacanta ku hayay iskuulka Sallaxlay ee Boodhinka ah ee carruurtu waxna ka cunto waxna ka barato. Ururka Gaaroodi waxa aad moodaa in 13 sano ka dib ay u baahdeen in la taageero oo la gacan qabto.

Ma doonayno in ay hawshii ka baxaana waxaanu doonaynaa inay hawshii samofalka sidii ay u wadeen in ay u qabtaan, laakiin ay boodhka iska jafaan, madaxweynaha Somaliland-na intay ka diyaargaroobayaan Gaaroodi isagaa balan-qaaday noloshii iskuulka Gaaroodi ee ay gacanta ku hayeen. Wasiirka waxbarashadu waxa ay maanta guddiga horumarinta deegaanka ku wareejinaysaa bishan iyo bisha soo socota lacagtii loogu tallo-galay dugsiga Sallaxlay in lagu waddo, lacagtaasi iyada oo kaash ah oo madaxweynuhu soo dhiibay ayaa la idin guddoonsiinayaa.”

Wasiirka Warfaafintu waxa uu sheegay in madaxweynaha iyo marwadda koowaad mar kasta oo ay Sallaxlay tagaan aanay faro madhnaan tagin, waxaanu yidhi “Had iyo jeer reer Sallaxleyoow madaxweynaha iyo marwaddu intay halkan yimaadaan faro madhnaan inagagama noqdaan, waxa ay maanta marwaddu inoo sidaa baabuur iskugu jira raashin, buskud iyo bustayaashii ay dhakhtarka iyo ardaydu huwan lahaayeen.

Xukuumaddu waxa ay ku dedaalaysaa in ay wax la qabato shacbigeeda, Sallexlayna waxa ay ka mid tahay uun shacbiga Somaliland ee ay u adeegayso, inkasta oo aad ogtihiin itaalka dhaqaale ee xukuumadda, haddana dedaal badan ayay u samaysay degmadda Sallaxley,” ayuu yidhi Wasiir C/laahi Cukuse, waxaanu intaasi ku ladhay “Wasiirka madaxtooyadda oo waddooyinka horumarintooda ka masuul ah wuxuu isniintii joogay qool-caday waxaanu sii daayay lacagtii ugu dambaysay ee dhinaca xukuumadda kaga xidhnayd jidka isku xidhaya Hargeysa iyo Sallaxley. Wadadiina daamurkii ayaa la saarayaa, reer Sallaxley iyaga oo dedaalkaasi dareensan mucaaridku aad buu ugu yar yahay.”

Wasiirka Warfaafintu waxa uu mar kale u mahad celiyay ururka Gaaroodi oo uu ku booriyay in ay sii laban laabaan hawlihii samo-fal ee ay bulshadda deegaankaasi sanadaha badan u hayeen.

Marwada Koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina Weris) oo halkaasi hadal ka jeedisay waxa ay tidhi “Magaalada Sallaxley marka la eego waa markii shanaad ee aan imi, markasta oo aanu nimaadno oo aanu shaqo u nimaadno iyo mar aanu olole ku jirnay oo aanu codad raadinaynay oo aanu dadka la hadlaynayba, sharaf, qiimayn iyo codba waanu ka helnay.”

Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde waxa kale oo ay intaa raacisay “Maantana sidii uu wasiir Cukuse sheegay, waxaan filayaa maalin aanu kaga ayaan roon nahay ama aanu kaga awood roonahay degmada Sallaxley in aanay jirin. Qiimayn farabadan iyo duco farabadan iyo soo dhawayn badanna waxaan si gaar ah ugu jeedinayaa hablaha Gaaroodi ee dalka Somaliland magaca iyo sharafta ka mutaystay.”

“Hablaha Gaaroodi, degmada Sallaxley oo kaliya wax umay tarin ee waanu ku faanaa, waanu u ducaynaynaa, xil bay isa saareen, ILLAAHAYNA waxaanu uga baryaynaa in wanaaga ay faleen uu iyagana ka abaal-mariyo, ummadda reer Somaliland-na niyad wanaagaa ay muujiyeen ayay ugu mahad celiyaan way mutaysteene’,” ayay tidhi Marwada Koowaad ee Somaliland.

Marwaddu waxay intaa raacisay “Hadalka dheerayn maayo, maanta halkan aan joogaa haddii aanay Sallaxley ahayn malaha maan imaadeen, sababta oo ah Hargab xun ayaa I haya oo codkiiba iga xidhay. Markaa sidii uu wasiirkuba sheegay in yar oo taakulayn ah oo aanu umulaha ugu tallo-galnayna waanu sidnaa oo dumarkayagan Hargeysa ka yimi aanu degmada, umulaha iyo ardaydaba ugu tabarucnay.”

Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina Weris) waxa kale oo ay halkaasi tacsi uga dirtay ALLE ha u naxariistee marxuum Cumar Maxamed Jaambiir (Kurtin) waxaanay tidhi “Waxaan halkan tacsi uga dirayaa xildhibaankayagii qaaliga ahaa ALLE ha u naxariistee marxuum Cumar Maxamed Jaambiir (Kurtin), ee aynu maalintii dhawayd halkan ku aasnay, xildhibaankayagii KULMIYE ka sharaxnaa ee aanu ILLAAHAY ku simin, ILLAAHAY naxariistii janno ayaan uga baryayaa isaga iyo wixii muslim ahba.”

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyaduna munaasibaddaasi hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in waxbarashada degmada Sallaxley ay ku jirto meelaha ay aad wax uga qabteen wasaarad ahaan, haatanna ay marayso heer aad u wanaagsan, waxaanay tidhi “Waxbarashada degmada Sallaxley waxay ku jirtaa meelaha aanu aad iyo aad wax uga qabanay.”

Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa kale oo ay intaas raacisay “Waxbarashada degmada Sallaxley waxaa noo jooga Guddoomiye gaadiidkiisa wata oo meel kasta taga, aniguna Sallaxlay waa meel aan Wasiir u ahay oo aan had iyo jeer imaado oo aan ogahay macalinka ka maqan, iskuulka aan shaqayn iyo fasalka la xidho.”

“Markaa ma jecli in cid kale oo aan ogayn waxbarashada Sallaxley in ay tidhaahdo waxaas ayay u baahan tahay. Sallaxley aniga ayaa og, aniga ayaa markasta imaada, aniga ayaa dad badani iga joogaan, aniga ayaa maalin iyo habeen imaada oo la socda heerka waxbarashadeeda. Degmada Sallaxley waxbarashadeedu aad ayay u wanaagsan tahay, waxaa hadda ka dhimani waa Iskuulkaa Boodhinka ah oo runtii ururka Gaaroodi ay caawin jireen, haddana ururka Gaaroodi ay culayska saareen arrimaha caafimaadka iyo waddooyinka,” ayay tidhi Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan.

Wasiirku waxay intaas ku kabtay “Markaa maanta, sidii uu wasiirka warfaafintu idiin sheegay, Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaanu ugu tagnay maadaama oo aanay Miisaaniyadda noogu jirin, markaa lacagtii labadan bilood ardayda wax loogu iibin lahaa oo saddex kun oo dollar ah maanta ayaanu u sidnaa oo aanu ku wareejinaynaa.”

Runtii degmada Sallexlay, waxa weeyaan meel ay dawladda Somaliland ay aad u ogtahay, iminkana nusa saace ayaa lagu yimaadaa oo wadadu waa laami ah, markaa ILLAAHAY waxaan ka baryayaa reer Sallaxleyoow in aynu gacmaha is qabsano oo aynu iska ilaalino wixii aan waxba inoo qabanaynin ee hadal uun haya. Anigu waxaan isku tirinayaa wasiir reer Sallaxley ah, markaa waxaan diyaar u ahay wax kasta oo ay Sallaxley u baahan tahay in aan wax la qabto, waxbarashada oo kaliya maahee wixii kale ee igaga soo beegma runtii aad baan diyaar ugu ahay.”

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay xubno ku hadlayay gudigga horumarinta deegaanka Sallaxley iyo Maayarka degmaddaasi waxaanay dhammaantood sheegeen inay marwadda iyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo uga mahad celinayaan dedaalka iyo waxtarka joogtada ah ee ay ka geysanayaan horumarinta Sallaxley.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.