Sucuudiga oo Soomaali Tarxiil ah ku daadiyay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho

Muqdisho(Aftahannews.com):- Dalka Boqortooyada Sucuudiga,ayaa maanta  dad Soomaali ah oo uu dalkiisa ka soo tarxiilay ku daadiyay garoonka diyaarahada  ee Muqdisho.

Laba diyaaradood oo siday boqolaal Soomaali tarxiil ah oo muddona ku jiray xabsiyada dalka Boqortooyada Sucuudiga oo aad u diifaysan isla marmaana aanay jirin wax ay sitaan oo hu ah ama hantiya oo isugu jira rag iyo dumar,dhalinyaro u badan iyo qaar waayeel ah oo caruur wata,ayaa si bilaa xuquuq ah looga soo dejiyay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Dadkan laga soo tarxiilay daLKA Susuudiga ee maanta Muqdisho laga soo dejiyay oo aad u diifaysnaa isla markaana ay ka muuqatay dhibaatada ay kala kulmeen eek u soo martay xabsiyaddii sucuudiga ee ay muddada ku xidhnaayeen,ayaa waxaa intaa u dheeraa iyagoo aan wax hanta ah sidan isla markaana ay dhmaantood ahaayeen maxaabiis xabsi laga soo qaaday oo circa la soo mariyay laguma soo daadiyay madaarka Muqdisho.

Dadka Tarxiilka ah ee maanta laga soo dejiyay  Garoonka Aadan Cadde,ayaa u kala dhashay deeggaanno kala duwan oo ka mid ah dalka Soomaaliya isla markaana aan haysan wax ay ugu safraan  meelihi ay u dhasheen.

Dadka maanta laga soo dejiyay Garoonka Aadan Cadde, ayaa qaarkood ay xidhnaayeen kabo dacas ah isla markaana raga qaar ay siteen garan iyo surwaal kaliya oo ah labadii ay xabsiga ku dhex xidhnaayeen isla markaana aan loo ogolaan in loo soo qaado wixii ay hanta haysteen ee ka taallay gudaha dalka Sucuudiga.

 

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland