Madaxweynaha Soomaaliya oo Hanjabaad u diray Beelo ku dagallamaya Shbeellaha Hoose

Muqdisho(Aftahannews):- Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud,ayaa si adag uga hadlay dagaalada ka socda Shabeelaha Hoose iyo deegaanno kale oo uu tilmaamay inay ka socdaan dagaallo uu ku tilmaamay macno darro loo daadinayo dhiigga Shacabka Soomaaliya kuwaasoo uu sheegay inay deg deg wax uga qabanayaan isla markaana ay Dawladdiisu u soo afjari doonto.

Ra'iisul_wasaaraha_cusub_ee_Somalia_2

“ Waxaan marka hore tacsi u direynaa dhammaan shacabkii ay waxyeeladu ka soo gaartay dagaalada. Waxaa nasiib daro ah in deegaanada qaarkood ay dagaalo sokeeyo ka dhacaan, gaar ahaan deegaanada gobollada Shabeelaha Hoose, Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.”ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Muqdisho Xarunta Soomaaliya,waxaanu intaa ku daray in loo baahan yahay in khilaafka lagu soo dhameeyo wada hadal iyo is afgarad isla markaana aanay Dawladdiisu u dulqaadan doonin cid kasta oo ka hor timaadda wax uu ugu yeedhay nabadayn ay dalka ka waddo oo ay dhakhso dalka oo dhan uga hir galin doono.

“waana in si deg-deg ah loo joojiyaa dagaalada iyo collaaadaha, lana qaataa nabadda ay dowladdu hormuudka ka tahay. Waxaa jira kooxo ka faa’iideysanaya collaadaha oo sii horinaya, ujeedadooduna ay tahay in la wiiqo horumarka nabadeynta ee dowlad dhisidda.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay dowladdu uga xuntahay dagaallo soo noq-noqda oo dhiig ku daato.

“Dagaalka shacabka dhexdiisa ah waa arrin aan loo dulqaadin karin, waxeyna fursad siineysaa dhammaan inta diidan nabadda iyo horumarka. Qaswadayaashana tallaabo adag ayaa laga qaadayaa. Waa inaan wadajirkeenna iyo isku xidhnaanteenna adkeynaa oo aan khilaafkeenna ku xallinaa si nabad, wadahadal iyo dib u heshiisiin.” Madaxweyne Xasan oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay in Dawladdiisa ay ka go,antahay inay soo afjarto colaadaha deegaanadaas ka socda isla markaana Dawlad ahaan ay gacan bir ah ku qaban doonaan wax uu ugu yeedhay kooxo qas wadayaal ah oo aan doonayn in nabad lahelo iyo xasilooni,dantooduna ay ku jirto in colaadaha iyo dhiigga daadanayaa uu sii bato.

“Dowladda waxaa ka go’an in si deg-deg ah ay u joojiso dagaalada iyo collaadaha, isla markaana cid allaale iyo cidii is hortaagta nabadeyntana laga qaadi doono tallaabo cad cad oo sharciga waafaqsan. Siyaasadda Dowladda ayaa ah in khilaaf kasta oo jira lagu xaliyo si nabad, wadahadal iyo dib u heshiisiin ah.”

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ee maanta ayaa ku soo beegmaya xilli ay maleeshiyo beeleed maalmahanba ku dagaalamayay gobolka shabeelaha hoose oo maanta dagaalkoodu sii xoogaystay isla markaana la soo sheegayo in dayaanka madaafiicda labada dhinac ay isku adeegsanayaan laga maqlayo goobaha ay ku dirirayaan deegaannada u dhaw,inksatoo aan war rasmi ah laga hayn inta uu gaadhsiisan yahay qasaaraha ka dhashay dagaalka maanta dhex maray ciidan beeleedyada is dilay.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland