Kulan natiijo-la’aan ku dhammaaday oo dhex-maray Madaxweyne Faroole iyo Musharrixiinta la-tartamaya

Garoowe(Somalilandtoday):- Shir ay Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland iyo Murashaxiinta u taagan inay u tartamaan jagada Madaxtinnimada Maamulkaas bilawga sannadka 2014-ka, ayaa ku kala-kacay shir ay maanta ku yeesheen Magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaas, ka dib markii ay isku-fahmi waayeen qodobbada dooddoodu khusaysay.

Wadahadalladii_Murashaxiinta_Puntland_oo_Fashilmay_3

Wadahadalladii_Murashaxiinta_Puntland_oo_Fashilmay_2

Wadahadalladii_Murashaxiinta_Puntland_oo_Fashilmay_4

Wadahadalladii_Murashaxiinta_Puntland_oo_Fashilmay_5

Kulankaas ayaa lugu doonayay in lugu xalliyo khilaaf soo dhex-galay dhawaan Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole iyo Musharrixiinta doonaya inay jagada Madaxtinnimada kula tartamaan Faroole oo isaga laftiisu Musharrax Madaxweyne u taagan.

Khilaafkaas oo salka ku haya am aka curtay Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta doorashada ee Puntland oo uu Madaxweyne Faroole magacaabay, isla markaana ay ku gacan-saydheen Siyaasiyiinta Musharrixiinta u ah booska Madaxweynaha, kuwaasoo iyaguna Guddiga Madaxweynuhu magacaabay mid la mid ah magacaabay sida ay ku doodeen.

Shirka labada dhinac oo Warbaahinta aan loo oggolaan inay goob-joog ka noqoto, ayaa waxaa la isku khilaafay qodobkii ugu horreeyay ee la isla soo qaaday oo ahaa arrinta Guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka dhanka doorashada ee Puntland, sida Weriyeyaasha u sheegeen Musharrixiinta jagada Madaxweynaha Puntland u taagan ee maanta shirkaa ay Madaxweyne Faroole wada-yeesheen ka qaybgalay.

Isfahan-waaga ka dib Musharraxiinta ayaa kasoo baxay xarunta uu shirku ka socday oo ahayd Madaxtooyada Puntland ee Garoowe, waxaanay markiiba qabteen Shir Jaraa’id oo ay ku faahfaahiyeen arrimaha ay isku khilaafeen iyaga iyo Madaxweyne Faroole.

Afhayeenka Musharraxiinta u taagan xilka Madaxweynennimo ee Puntland, Cali Xaaji Warsame oo shirka jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay inay Madaxweynaha kala hadleen arrimo ay ula muuqatay inay muhiim u yihiin doorashada la filayo inay dhacdo sannadka soo socda billowgiisa.

“Madaxweynaha iyo Musharixiinta ayaa kulmay, inkasto shirkaasi aanay natiijo kasoo bixin, annaga dhankayaga Musharrixiinta waxaan kala hadalnay Madaxweynaha arrimihii aan u arkaynay inay muhiim yihiin si doorasho xor iyo xalaal ah ay u dhacdo. Waxaan soo jeedinay dhowr qoddob oo ay ku jirto in la dhiso Guddigii Isimada ee xilliga doorashada oo ah marjaca loo laaban doono. Sidoo kale, Guddiga ansixinta iyo xallinta ayaan ka wadahadalnay.” ayuu yidhi Musharrax Cali Xaaji.

Afhayeen Cali Xaaji oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Madaxweynaha arrintaan isku khilaafnay ee aan kusoo kala boodnay waa arrinta Guddiga doorashada, waxaanan si cad ugu sheegnay Madaxweynaha  inaannu xaq u leennahay inaan isla magcowno Guddigaas, taasna waxay keentay in shirkayagii maanta lagu kala tago.”

Guddoomiyaha Musharrixiinta Puntland Jen. Cabdullaahi Siciid Samatar oo isaguna Shirka Jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay inay Musharrixiintu muujiyeen deggenaan iyo dabacsanaan si loo gaadho xal buuxa oo loogu dhaqaaqo doorasho habboon inay dhacdo, waxaanu yidhi; “Madaxweynaha waxaan u sheegnay inay muhiim tahay in xal la gaadho, innagoo tusayna deggenaan iyo dabacsanaan si loo gaadho xal buuxa oo loogu dhaqaaqo doorasho habboon inay dhacdo.” ayuu yiri Jen. Samatar.

Waxay Musharrixiinta jagada Madaxtinnimada Puntland u taagani ku baaqeen in Isimada Puntland ay soo kala dhex-galaan khilaafka xilligan jira si xal loo gaadho.

Madaxtooyada Maamulka Puntland, ayaan iyadu illaa hadda ka hadal kulanka ay Madaxweynaha iyo Musharrixiinta kale wada-yeesheen maanta ee natiijo la’aanta ku dhammaaday, hase-yeeshee, waxa la dhawrayaa waxay dhinaca Madaxweyne Faroole iyo Maamulkiisu ka yidhaahdaan khilaafka foolka-foolka u bilaabmay ee ay ku kala-kaceen Musharrixiinta Mucaaridka ah shirka uu la yeeshay iyo weliba khilaafkii hore ee u dhexeeyey labada dhinac.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.