Hoggaanka H/Booliska oo Weji-gabax kala Kulmay isku day uu ku Xadhayey Guddoomiyaha HUBAAL

Hargeysa(Aftahannews):- Hoggaanka Hawl-gelinta Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle sare Maxamed Ducaale iyo Saraakiil ka tirsan Xafiiska C.I.D-da, ayaa maanta weji-gabax kala kulmay sifo sharci-darro ah oo ay doonayeen inay ku qabtaan Guddoomiyaha Wargeyska HUBAAL Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) oo ku sugnaa agagaarka jidka u dhaxeeya Baar Hargeysa iyo isgoyska Togdheer.

9958

wargeysak-hubaal

Taliyaha Hoggaanka Hawl-gelinta Ciidanka Booliska oo aan wadan wax waaran Maxkamadeed ah, ayaa maanta duhurkii isku dayay inuu isaga laftiisu sifo sharci darro ah u qabto Guddoomiyaha wargeyska Hubaal oo ka shaaheynayay mid ka mid ah meheradaha laga qaxweeyo ee ku yaala jidkaasi. Ka dib markii uu Baabuurkii Guddoomiyaha wargeyska oo meel baarkin ah taagnaa ku horgooyay gaadhi yar oo indho cade ah oo uu watay.

Sida lagu baahiyey gudgudenew, Taliyaha Hoggaanka Hawl-gelinta ayaa u soo degay Guddoomiyaha HUBAAL oo uu kaladhka shaadhka qabsaday ka dibna waxa uu Maxamed Axmed Jaamac Caloolay u sheegay inaanu raacaynin, ka dibna Taliye Maxamuud Ducaale waxa uu isku dayay inuu jiido si uu u saaro gaadhigii uu watay, ka dibna waxa Guddoomiyaha HUBAAL iskaga fujiyay feedh, iyadoo dadweynihii halkaasi ka agdhawaana ay ku soo qamaameen oo ay sarkaalkaasi ka rideen Maxamed Axmed Jaamac oo uu doonayay inuu sifo xaaraan ah oo sharciyadda ka hor imanaysa xabsiga ugu taxaabaan xabsiga.

Dadweynaha ayaa dhirbaaxo ku boobay Taliyahaasi ka dib markii ay ka biyo diideen sida foosha xun ee uu u soo hujuumay Guddoomiyaha wargeyska HUBAAL, ka dib markii ay ciidanka Boolisku Jimcihii todobaadkii hore ay la wareegeen xaruntii wargeyska HUBAAL ee magaaladda Hargeysa oo ilaa maanta xayiran.

“Waxaanu ka xanaaqnay nin sarkaal ah oo noo darajadda uu sito doonaya inuu dadweynaha ku cabudhiyo ama ku xad-gudbo, maadaama oo aanu sidan waaran maxkamadeed, waxaanu u arkaynay nin ku kibraya inan dhalinyaro ah oo waliba tacadi tirsanaya.” ayuu yidhi Faysal Cabdi oo ka mid ahaa dadkii maanta Taliyaha Hawl-gelinta Booliska ka riday Guddoomiyaha wargeyska Hubaal oo uu doonayay inuu xabiso.

Sidoo kale, Maxkamadda ciidammadda Somaliland ayaa iyaduna ooda ka qaaday oo sii daysay ninkii Bilayska ahaa ee weeraray wargeyska HUBAAL ka dib markii ay ka war-wareegeen inay ku xukumaan fal dambiyeedkii uu qaranka ka galay.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.