Saraakiil Garsoor oo Caawa Lagu dhaawacay Qarax ka dhacay Boosaaso

Boosaaso(Aftahannews):- Saraakiil garsoor oo ka hawl gala  Maxkamadaha Boosaaso,ayaa caawa lagu dhaawacay qarax ka dhacay  ka dib markii gaadhi ay wateen lagu tuuray bamboo gacmeded.

 Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Gobolka Bari Bashiir Hoobaley iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Maxkamadda Gobalka Bari Maxamuud Cadceed, ayaa waxaa caawa lagu dhaawacay Magaalada Boosaaso.

Xilli Masuuliyiintani ay ka sii baxayeen Xarunta Maxkamada, oo ay la socdeen gaadhi nooca raaxada ah, ayaa waxaa lagu weeraray bambo gacmeyd.

Qaraxan, ayaa waxaa ku dhimatay haweeney goob ganacsi ku laheyd halkaasi, sidoo kalana waxaa jira dhaawac 3 ruux oo shacab ahaa.

Ciidammadda ammaanka ee Magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland, ayaa waxay gaadheen goobta uu qaraxu ka dhacay, waxayna ka wadaan baadhitaanno ku aadan cidii qaraxa geysatay.

Ilaa iyo iminka majirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Maamulka Puntland, oo la xiriira qaraxa caawa ka dhacay Bartamaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland