Hoggaanka KULMIYE oo la Kulmay Guddiga qaban-qaabada Shirweyna

Hargeysa(Aftahannews):- Hoggaanka sare ee Xisbil-xaakimka KULMIYE, ayaa maanta kulan la yeeshay xubnaha Guddiga qaban-qaabaada Shirweynaha Xisbigaas oo u muddaysan 25-ka bishan December ee aynu kujirno, kulankaas oo lagaga wadahadlay laba qodob oo muhiim u ah Xisbiga iyo hawlaha shirkiisa.

Kulmiye-1

Gudiga-qaban-qaabada-300x225

Guddomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Xisbigaas Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, Guddoomiye Ku-xigeenka Saddexaad Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle iyo Guddoomiyaha Golaha dhexe ee KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel), Xoghayaha guud Xasan Siciid Yuusuf, ayaa shalay xarunta dhexe ee Xisbiga KULMIYE ku leeyahay magaalada Hargeysa kulan kula yeeshay Xubnaha Guddiga qaban-qaabada, kuwaasoo ay Masuuliyiinta Xisbigu ku wargeliyeen inay hawsha qaban-qaabada Shirweynaha Masuuliyaddeedu saaran tahay Guddi ahaan, isla markaana loo baahan yahay inay derder-geliyaan hawlaha qaban-qaabada iyo hirgelinta Shirweynaha.

Xubno ka mid ah Masuuliyiinta kulankaa maanta ka qaybgalay, ayaa SHabakadda Aftahannews u sheegay in kulankaas lagaga wadahadlay laba qodob, kuwaasoo kala ahaa buuxinta jagooyinka laba xubnood oo iska casilay Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha KULMIYE. Iyo in sidoo kale, ay Xubnaha Guddiga qaban-qaabadu Masuul ka yihiin hawlaha diyaarinta Shirweynaha Xisbiga oo hore loogu muddeeyey in la qabto 25-ka bishan aynu ku jirno ee December oo ay innaga xigaan siddeed maalmood oo keli ahi, sidaa awgeed-na loo baahan yahay inay dhaqaajiyaan, isla markaana dhexdooda hadday jiraan wax ka qaldani iyagu isa saxaan.

Masuuliyiinta Shabakaddu soo xigtay oo la weydiiyey inay arrintaas buuxinta xubnaha iska casilay Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha ay keentay khilaaf cusub iyo Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Guddiga u soo jeediyey inay soo doortaan hoggaan cusub, ayaa ku dooday inaanu warkaasi jirin, isla markaana been yahay ee aanu Guddoomiyuhu soo jeedin ama odhan soo doorta hoggaan cusub. Hase-yeeshee, keliya laga wadahadlay dhaqaajinta iyo derder-gelinta diyaarinta hawlaha Shirweynaha Xisbiga maaddaama oo maalmo koobani ka hadheen.

Xubnaha Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha Xisbiga KULMIYE, ayaa la sheegay inay isla maanta kulan gaar ah wada-yeesheen, isla markaana dhexdooda ay iska magacaabeen shan xubnood oo ka soo talo-bixiya hawlaha dhaqaajinta iyo derder-gelinta iyo diyaarinta Shirweynaha Xisbigaas, kuwaasoo la filayo inay Berri oo Salaasa ah taladooda ku soo celiyaan xubnaha Guddiga qaban-qaabada.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.