Toban Ka Mid Ah Shirkadaha Laydhka U Shida Hargeysa Oo Ku Midoobay Hal Shirkad

Hargeysa(Somalilandtoday):- Toban shirkadood oo ka mid ah kuwa hormoodka u ahaa laydhka laga isticmaalo caasimadda Hargeysa, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay ku midoobeen hal shirkad oo doonaysa inay casriyeyso adeegeeda ay siinayso bulshada.

DSC00091

DSC00021

DSC00060

DSC00060

DSC00085

DSC00069

DSC00032

Munaasibad lagu shaaciyey midowga shirkadahan oo lagu qabtay maanta hool wayn oo uu hirgeliyey huteelka Guuleed ee magaalada Hargeysa, wasiirro ka tirsan xukuumadda, murrashaxa jagada madaxweynenimo ee xisbiga UCID, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Guddoomiyaha shirkadda ALMIS Electric iyo madaxda shirkadaha ku midoobay, wakiillo ka socday shirkadda Laydhka ee KAAH iyo marti sharaf kale, waxa shaaca lagaga qaaday in tobanka shirkadood ee magacyadeedu kala ahaayeen AFGAL, SELP, KAAFI, NFS, SEECO, CADCEED, SANYARE, ELMI, HASS POWER, HARGEISA POWER ELECTRIC oo laydhka u shida bariga, badhtamaha, Waqooyiga, Galbeedka iyo qaybo ka mid ah Koonfurta Hargeysa ay ku midoobeen shirkad loo bixiyey ALMIS ELECTRIC Company (ALEL), iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay ujeeddada keentay midowgaasi iyo qorshayaasha lagu horumariyo adeegga laydhka ee ay bixiyaan.

Guddoomiyaha shirkadda ALMIS ee ay ku midoobeen tobanka shirkadood Maxamed Cabdiraxmaan Faarax Sugaal oo ugu horreyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shirar badan oo madaxda shirkadahani yeesheen kadib si buuxda ay go’aan ugu gaadheen inay meel isugu geeyaan shaqadooda iyo adeegga ay bulshada u hayaanba, taas oo Allena u hirgeliyey inay ka dhabeeyaan riyadooda.

“Waxaad is waydiin kartaa, maxaa keenay midowgan? Waxa keenay baahi jirta, intaas oo shirkadood oo kala fadhiya, lama jaan-qaadi karayaan horumarka waddanka iyo qarnigan aynu ku jirno, waxa jiray intaas oo shirakadood oo waddankeena yimi oo is yidhi bal laydhka maalgaliya, markay arkaan dhowr iyo labaatan shirkadood oo kala fadhiya ayey mid walba dib isaga noqotay, laakiin Ilaahay mahadi ha ka gaadhee waa markii ugu horreysay ee Hargeysa yeelato laba shirkadood oo laydhka shida,” ayuu yidhi Mr. Maxamed Cabdiraxmaan.

Waxa kale oo uu ka hadlay qorshahooda mustaqbal waxaannu yidhi, “Waxa qorshaha noogu jirta inaannu xoogga saarno tamarta Cadceedda iyo Dabaysha oo aannu door weyn ka qaadano iyo inaanu bilicda magaalada ka qaybqaadano oo xadhkaha dhulka la mariyo.”

Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden-siiro) oo ka mid ah mulkiilayaasha shirkadaha midoobay, ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa tilmaamay faa’iidada uu leeyahay midowga shirkadahani, waxaannu yidhi, “Sida aynu ognahay adduunyadu maanta waxay isugu awood sheegataa Tamarta oo ka bilaabanta iftiinkaa aynu fadhino ilaa Nukliyeerkaa isaga gudbaya qaaradaha, loollanka ugu weyni adduunka waa Tamarta.

Shirkadani maaha shirkad qof u danaynaya ama koox u danaynaya, waa shirkad u socota in Somaliland la keeno dab qiimo jaban oo dadka, dalka iyo dawladaba anfaca, waayo, dalkan iyo dadkani waxay u baahan yihiin dab jaban, taasina waxay ku imanaysaa innaga oo midayna oo meel isugu geyna hantideena, caqligeena iyo aqoonteena, sidaas ayay shirkaduhuna ku faa’idayaan, dadkuna ku faa’idayaan.”

Waxa kaloo uu sheekhu ka sheekeeyey baahida bulshadu u qabto icticmaalka laydhka oo uu tilmaamay in shirkaddiisa iyo kuwa kale ee dalka ka jiraaba ay ku aasaasmeen, “Aad ayey u mahadsanyihiin kuwii hore isugu geeyay (Shirkadaha Laydhka ee isugu tagay KAAH), kuwa maanta (shalay), labadoodana waanu isu geyn doonaa oo tamar fudud ayaynu samayn doonaa, taladayadu waxay tahay inaanu samayno wax qaran oo dadka iyo dalkaba anfaca” ayuu yidhi Sheekh Aadan.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Xasan Shukri, ayaa soo dhaweeyay midowga shirkadahan, waxaannu yidhi, “In wax la wada yeesho oo maalka iyo muruqaba la isu-geeyo ayaa danta dalkani ku jirtaa, waxaynu ahayn bulsho reer guuraaya oo qof walba wixiisa gaar u leeyahay, muddo dheer ayey innagu qaadatay inaynu u soo gudubno noloshii magaalada, horumarka iyo wax wada lahaanshiyaha iyo isu-geynta hantida.”

Guddoomiye Shukri waxa uu ammaanay doorkii shirkadaha laydhka u shida magaalooyinka Somaliland ay soo galeen iyo heerarkii ay bulshada kala soo dabbaasheen, waxaannu midowgooda hadda ku macneeyey bilays muujinaya inay ogaadeen inay dadka kale iska xigaan oo ay isku baahan yihiin.

Xasan Bulbul oo ku hadlayey magaca shirkadda KAAH oo isna xafladdaasi ka hadlay, ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan shirkadahan isku biiray, isagoo xusay in shirkaddooda KAAH ay ku midoobeen 17 shirkadood oo hore mid waliba gaarkeeda ugu shidi jirtay laydhka Hargeysa, “Midowgaasi waxa uu keenayaa in adeeggii aynu u samaynaynay bulshadu uu hagaago, adeegga laydhku waa adeeg adag oo adduunka dawladaha ayaa sameeya, laakiin tani (Midowga shirkadaha) waxay ina tusaysaa inay innaga go’an tahay inaynaan cid kale wax ka sugin.”

“Qoladeena laydhku dagaalka aynu maanta galaynaa waa sidii aynu qiimaha laydhka u keeni lahayn 50 senti iyo wax ka hooseeya, markaas ayaynu odhan karnaa dalka iyo dadka ayeynu wax u qabanay, dawladana waxaanu leenayay dhiniciinii ma hayno, canaanba ha naga noqotee, wasiirkii hore e Maaliyaddu Maxamed Xaashi Cilmi, wuxuu nala waday in shirkadaha laga dhimo cashuurta $ 12 doolar ah, oo ay shirkaduhu isu-tagaan oo ay cashuur waafi ah wada bixiyaan,” ayuu yidhi Xasan Bulbul.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale oo ka mid ahaa marti sharafta xafladda lagu soo casuumay, ayaa shirkaddaha midoobay u soo jeediyeeyey inay nalka ka shidaan goobaha bulshada sida garoomada ciyaaraha oo da’yartu ka faa’iidaysan lahayd, “Marka laydh-deeqdu midowdo, taasi waxay qasbaysaa in inteena laydh-quudata ahina aynu midowno si aynu macaamil wanaagsan u yeelano, waxaannu marti idiinka nahay si dhallinyaradu u helaan meelo ay ku ciyaaraan inaad qorshaha ku darsataan inaad shiddaan garoomada ay kubadda ku ciyaaraan oo aad xaafadba mar ku bilowdaan,”ayuu yidhi Mr. Boobe.

Maayarka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa tallaabo si gaar ah farxad ugu ah isaga iyo Golaha Degaanka Hargeysa ku tilmaamay go’aanka ay qaateen shirkadaha midoobay, waayo buu yidhi “Waxaannu ahayn dad ay intaas oo xadhig ay madaxooda marayaan oo marka la yidhaahdo xadhkaha wax halaga qabtana ay had iyo jeer mushkiladi na hortaagan tahay, aad iyo aadna waxaan u soo dhaweynayaa shirkadda ALMIS.”

Murrashaxa jagada madaxwaynenimo ee  xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in midowga shirkadahani muujinayo horumarka uu dalka Somaliland ku socdo, waxaannu yidhi “Waxaanad garanaysaa in dalkeenu horumar ku socdo, waxaanad ku garanaysaa in ganacsigii kor u socdo oo dadkii ogollaanayaa in wax la wada lahaado, dhibaatooyinka Somaliland ahaan ina haystayna waxa ka mid ahaa in dadku jeclaa in qof kasta oo uu wixiisa yar gaar u wato, laakiin sidii la sheegay waxani waa wax caalamka laga sameeyo, aadna waan idiin hambalyeynayaa.”

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa hambalyo iyo mahadnaq ballaadhan isugu daray shirkadaha laydhka ee ku kala midoobay ALMIS iyo KAAH, waxaannu halkaasi ka jeediyay khudbad cilmi ah, “Inkasta oo aanan garanay, waxaan isleeyahay dabka (Laydhka) aynu soo saarno waa 15 ilaa 20MW, waxaan ka qiyaastay dadkeena oo inta magaalooyinka joogta uu 50% laydhku ugu jiro, waa wax aad u yar markaad u eegto waddamada hareeraheena oo soo saara 1500 ama 300MW, Jabuuti-daa agteena 100MW ayey ku dhowdahay dabka ay soo saarto.”

“Qiimaha laydhku waddankeena waa $1 doolar KWH, Kenya waa 15 senti ilaa 21 senti, Itoobiya waa 5 senti ilaa 6 senti, maadaama oo ay biyaha ka dhaliyeen, Jabuuti-na waa 28 ilaa 40 senti, innaga waa boqol, taa manaheedu waxa weeyaan korontadeenu waxay Itoobiya ka qaalisan tahay labaatan jibaar, Kenya waxay ka qaalisan tahay shan jibaar, Jabuuti waxay ka qaalisan tahay laba jibaar iyo badh, maxaynu caalamka oo dhan shan jeer laydhkeenu uga qaalisan yahay? Taa waxa keenaya ayaan isleeyahay kala qayb-sanaanta (shirkadaha), laakiin midowgiinani waa horumar,” ayuu yidhi Dr. Sacad.

Ugu dambayntii Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale oo khudbadaha xafladda soo gunnaanaday ayaa isna shirkadaha awoodooda isu geeyey tahniyadeeyey, isagoo tilmaamay inuu ku faraxsanyahay midho-dhalka tallooyin uu bixin jiray, “Anniga ayaa ugu farxad weyn inaan arko wixii aan kula talinayey saddexdaa sannadood ee aan joogay (wasaaradda), waxaan lahaa waar isku tagga, nasiib-wanaag way ajiibeen taladaasi, Insha Allaah, waxaan rejaynayaa inay maalin maalmaha ka mid ah aynu isugu nimaadno innaga oo ku xafladaynayna shirkad la yidhaahdo Hargeysa Electric oo ay isugu wada tagaan shirkaduhu. Haddii aanay dawladdi haysan tamar jaban hore uma mari karto”

Wasiir Xuseen waxa uu sheegay inay diyaariyeen sharcigii shirkadaha laydhka lagu maamuli lahaa, “Waxaan ogahay inaan raagsateen sharcigii korontada oo aanu muddo wadnay, nagana caawiyeen khuburo caalamiya oo USAID maalgalisay, waxaan idiinku bushaareynayaa annaga wasaarad ahaan wuu naga gudbay, wuxuuna yaalaa Madaxtooyada, waxaana gacanta ku haya gar-yaqaanka guud, waxaanu noqonayaa sharcigii hagi lahaa (Shirkadaha laydhka), waxaanan rejayaa inuu ka gudbo golaha wasiirrada oo Baarlamaanku ansixiyo oo uu sharci noqdo,” ayuu hadalkiisa ku soo gunnaanaday.

Waxa kale oo xafladda ka hadlay Agaasimayaasha Qorshaynta ee Wasaaradaha Hawlaha Guud iyo Ganacsiga iyo Maalgashiga – Rashiid Maxamed Cali iyo Maxamed Maxamuud Cawaale.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.