Kenya oo ku guulaysatay inay shidhka u gasho Maamulka Soomaaliya

Muqdisho(Athananews):- Dawladda dalka Kenya,ayaa ku guulaysatay inay shidhka u gasho Maamulka Soomaaliya ka dib markii ay hantiday booska urur goboleedka IGAD  uga noqonaya safiirka dalka Soomaaliya.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kenya ,ayaa loo magaacabay inuu noqdo safiirka cusub   ee Urur goboleedka IGAD u fadhiya Soomaaliya,sida lagu sheegay war murtiyeed kooban oo ka soo baxay Xafiiska Xoghayaha guud ee Urur goboleedka IGAD.

 Safiirka cusub ee uu urur goboleedka IGAD u soo magacaabay Soomaaliya sida lagu sheegay war murtiyeed kooban oo ka soo baxay xafiiska Xoghayaha Fulinta Urur goboleedka IGAD, ayaa lagu sheegay inuu  Maxamed Cabdi Afey, oo ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya

 Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka Igad Ambassador Mahboub Maalim, ayaa  ammaanay Safiirkooda cusub ee Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in ay wada shaqayn la yeelan doonaan wacan dawladda Soomaaliya .

Danjiraha cusub, ayaa waxa uu ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya, wixii ka dambeeyay bishii March ee sanadkan.afay

Ambassador Affey, ayaa sanadkan ahaa Safiirka Dowladda Kenya ee arrimaha Soomaaliya, wuxuuna hawl wadeenn ka ahaa shirkii nabadeynta ee Soomaalida uga socday Magaalada Mbagathi.

Aftahannews.com

Hargeysa Somaliland